27th July 2024  admin  Category :

Gaashaanle dhexe  Sagal,  Gashaanle dhexe  Tusbaxle, Gashaanle dhexe Warsame Muuse Axmed ,  Gaashaanle Cabdi Biriq, Gaashaanle  Saxane , Gaashanle Shire,  Dhamme Ina Awsiciid iyo 67 Askari ayaa maanta si  gaadmo loogu dilay buurta Calmadow. 42 waa Dhaawac.  Dumar sooman oo qaarkood uur lahaayeen iyo caruur  waa la gowracay. Oday Axmed Jicif, odaygii degaanka  xabad ayaa iyada oo la qoslayo madaxa xabad loogu dhuftay.

Hadaba yaa gaystay xasuuqan qabyaaladdu ka muuqato?

Sarkaalkii ugu sareeyey ee maanta lagu dilay dagaalkii qabyaaladysnaa oo nacaybka kii Hutuuga la midka  ahi uu ka muuqday Allah ha u naxariistee waxa lagu magcaabi jiray Maxamed Salax Tusbaxle, wuxuuna ka mid ahaa Saraakiisha reer Puntland ee maamulka Somaliland sheegeen inay ka aarsan doonaan.

Su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay ciidanka saaka soo galay Afurur oo aadka u hubaysnaa yaa soo hubeeyey? Ciidanka intaa leg oo hubaysanise  xagee ka soo galeen buurta Calmadow? Maleeshiyaadkan weerarka gaystay waa maxay kalsoonida ay haystaan oo ah  inay ku sii noolaan karaan buurta Calmadow.

Su’aalahan oo dhan jawaabteeda maanta lama ogaan karo, hase haatee marka muuqaalka hoose daawatid ayaa waxa ku  ogaanaysaa in maamulka SNM ay wax ka ogaayeen weerarkii saaka ee Afurur

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*