26th July 2024  admin  Category :

Madaxweeynihii Hore ee Puntland Ca/welli Gaas ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in

Maamulka Hargeeysa cidina aysan aqoonsanayn;

Soomaaliya iyo Soomaaliland ayuu sheegay in ay midooweeyn July 1, 1960, waxaana abuurmay Jamuuhriyaddii Soomaaliyeed (Somali Republic) dadka oo dhana waa Soomaali;

Xuduudka ingiriiska oo ay maamulka Hargeeysa ku doodayaan ayuu sheegay in xitaa Ingiriis uusan aqoonsanayn;

Wuxuu kaloo sheegay in xuduudka ay leeyihiin waan soo xiraynaa maamulka Hargaysa in ay tahay qalad, maxaa yeelay waa dad aan sharciyad u haysan in ay xuduud ka hadlaan;

Wuxuu sheegay in Muuse Biixi uu yahay shaqsi macangag ah, kibir uu ku jiro, iyo in maamulka Hargeeysa uu yahay mid isaga u afduuban.

Goosashada maamulka Hargaysa ayuu sheegay ineey ahayd awalba mid naxuus ah, hadeerna wuxuu sheegay ineey sii dhimatay.

Wuxuu sheegay in SSC bulshadooda ay go’aan gaarayn, ayna tahay in go’aankooda la tixgaliyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*