14th April 2024  admin  Category :

Qaraarkan ayaa maamulka Biden ku boorrinaya in Guddiga Mareykanka ee Xorriyadda Diimeed ee Caalamiga ah uu usoo jeediyo in Hindiya uu aqoonsado dal walaac abuuraya saddex sano oo isku xigta.

Waxaa ka sii horreysay sannadkii 2019-kii mar ay Ilhaan barteeda Twitter-ka ku soo qortay in Dowladda Mareykanka laga doonayo inay wax ka qabato xad gudubyada dhinaca diinta ee ka jira dalkaas.

“Sharciga Ra’iisulwasaare Modi ee Hindiya wuxuu ku raacayaa faafinta rabshadaha ay wadaan Hindida iyo Islaam nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta, Dowladda Mareykanka waxaa looga baahanyahay inay u istaagto sidii dalka Hindiya looga hirgelin lahaa xoriyad dhanka diinta ah si dadka laga tirada badanyahay loola dhaqmo si cadaalad ah.”

Hadalkaas Ilhaan ayaa markaasna sidoo kale sababay hadal hayn badan iyo falcelino

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo labduba ah xubno Mulimiin ah oo ka tirsan aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa sheegay inay qaadeceen oo aysan ka qeyb gelin khudbaddii Raysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi uu ka jeediyay aqalka Congress-ka Mareykanka. Waxay ku sababeeyeen in dowladda Modi ay cadaadiso dadka laga tirada badan yahay ee ay Muslimiinta ku jiraan.

“Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Modi waxay cadaadis ku haysaa dadka laga tirada badan yahay ee diimaha ah, waxay ku taageertay kooxaha rabshadaha wada ee Hinduuga, waxayna beegsatay saxafiyiinta, u doodayaasha xuquuqda aadanaha sidaa darteed. Ma tagi doono khudbada Modi, “Ilhaan Cumar ayaa tiri ka hor khudbadii PM Modi.

Waa wax laga xishoodo in Modi madal laga siiyay caasimadda qarankeena iyadoo la ogyahay taariikhdiisa dheer ee xadgudubyada xuquuqul insaanka, falalka dimoqraadiga ah, beegsiga Muslimiinta & diimaha laga tirada badan yahay, iyo faafreebka saxafiyiinta waa wax aan la aqbali karin. Sidaas waxaan qaadacay khudbadda Modi ee Congress-ka. “

Hase yeeshee eedaha Ilhaan iyo Rashida waxaa gaashaanka u daruray guddoomiye ku xigeenkii hore ee Guddiga Qaranka ee Dadka laga tirada badan yahay, Atif Rasheed: “Waxaan ka tirsanahay dadka haysta Diimaha laga tirada badan yahay ee Hindiya, laakiin waxaan si xor ah ugu noolahay xorriyaddayda diinta iyo aqoonsigayga diimeed ee dowladda Ra’iisul Wasaaraha Narendra Modi ee Hindiya, waxaan ku leeyahay saami siman oo kheyraad kasta oo halkan ah. Xorriyad ayaan u leeyahay inaan ku hadlo wax kasta oo aan doonayo gudaha Hindiya.”

“Sidoo kale waxaan leeyahay xoriyad aan ku qoro waxa aan doonayo gudaha Hindiya. Waan ka xumahay inaan iraahdo waxaad sawirka khaldan muujinaysaa dalkayga Hindiyayda.” ayuu raaciyay.

Tallaabada Ilhaan ayaa sidoo kale waxaa aad loogu falceliyay baraha bulshada ee Hindiya.

Ilaa 75 Senatar oo Dimuquraadi ah iyo xubno ka tirsan Aqalka Congress-ka ayaa warqad u diray Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden waxayna ka codsadeen inuu u soo bandhigo arrimaha xuquuqul insaanka ee PM Modi, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay Hindustan Times

Ilhan iyo raysal wasaarihii hore ee Pakistan ee Cimran Khan

Markii ugu horreysay mahan ee ay Ilhaan dood ka dhex dhaliso gudaha Hindiya oo wax jirtay mar ay bishii April ee sannadkii hore ay booqasho ku tagtay gobolka Kashmir, qaybta ay Pakistan ka maamusho taas oo qabsatay warbaahinta kaddib markii ay booqashadeeda caro ka muujisay dowladda Hindiya.

Mas’uuliyiinta dalka Hindiya ayaa cambaareeyay tallaabada ay qaaday Ilhaan Cumar. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Arindam Bagchi, ayaa arrintaas ku tilmaamay xad gudub ka dhan ah madaxbannaanida dhuleed ee Hindiya.

Tan iyo markii uu soo baxay warka ku saabsan in Ilhaan Cumar ay booqanayso Kashmir, qaar ka mid ah shacabka reer Hindiya ayaa arrintaas walaac uga muujiyay baraha bulshada.

Qof ka mid ah dadkii markaas ka fal celinayay ayaa yidhi: “Siyaasiyiinta wax kala qaybiya ee sida Ilhaan Cumar ah waa in laga hor istaago inay tagaan meelaha xasaasiga ah ee Kashmir. Waxay kasoo hor jeeddaa Hindiya xaqna uma laha in ay xubin kasii ahaato Congress-ka Mareykanka.”

Bishii Juun ee iska sannadkii 2022-kii ayay lhaan Cumar waxay Aqalka Wakiillada geysay qaraar lagu cambaareynayo carqaladeynta la sheegay inay Hindiya carqaladeyso xuquuqda aadanaha, gaar ahaanna inay beegsato Mulsimiinta, Kirishtaanka Sikh-yada, Dalit-ka, iyo Adivasis iyo “dad kale oo laga tiro badan yahay”.

Qaraarkan, oo ay la kaashatay haweenka kale ee kala ah Rashida Talib iyo Juan Vargas, ayaa wuxuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ku boorrinayaa inuu Hindiya u arko mid walaac abuuraya marka la eego xorriyadda diimeed ee caalamiga ah.

Qaraarkan ayaa maamulka Biden ku boorrinaya in Guddiga Mareykanka ee Xorriyadda Diimeed ee Caalamiga ah uu usoo jeediyo in Hindiya uu aqoonsado dal walaac abuuraya saddex sano oo isku xigta.

Waxaa ka sii horreysay sannadkii 2019-kii mar ay Ilhaan barteeda Twitter-ka ku soo qortay in Dowladda Mareykanka laga doonayo inay wax ka qabato xad gudubyada dhinaca diinta ee ka jira dalkaas.

“Sharciga Ra’iisulwasaare Modi ee Hindiya wuxuu ku raacayaa faafinta rabshadaha ay wadaan Hindida iyo Islaam nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta, Dowladda Mareykanka waxaa looga baahanyahay inay u istaagto sidii dalka Hindiya looga hirgelin lahaa xoriyad dhanka diinta ah si dadka laga tirada badanyahay loola dhaqmo si cadaalad ah.”

Hadalkaas Ilhaan ayaa markaasna sidoo kale sababay hadal hayn badan iyo falcelino

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*