19th March 2024  admin  Category :

Shan Agaasime guud, Shan Safiir, Taliyaal uu ku jiro Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed ayaa beesha Daarood ku heleen saamiga magaca 4.5. Beesha Warsangeli hal xil kama helin, beesha Dishiishe sidoo kale halka beesha Majeerteen kuwii ay haysteen iyaga laga qaaday.

Madaxweyne Farnaajo oo ku caan baxay nacaybka maamulka Puntland ayaa maalmahan magaalada Muqdisho ka wada sida ay noo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay maamul loo wada dhisayo gobolada Sool iyo Sanaag oo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkaba laga dhigayo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sool.

Maamulkan` loo dhisayo gobolada Sool iyo Sanaag ayaa haba yaraatee ayna wax ka ogayn , wax laga waydiin Bulshada reer Maakhir, aan ka ahayn dhowr qof oo dano siyaasadeed ka leh madaxweyne Farmaajo.

Talada iyo hogaanka maamulkan la sheegay in loogu aargudayo Jubbaland waxa iska leh Cali Khaliif, oo maalintii loo caleemo saarayey Madaxweynaha Khaatumo ku Casumay caleemo saarkiisii beelaha Soomaaliyeed aan ka ahayn beesha Warsangeli oo uu sheeganayey gobolka ay ka degaan Soomaaliya

Cali Khaliif iyo Madaxweyne Farmaajo Waa labadii Ra’isulwasaare ee Soomaaliya soo maray oo maalintii ay soo magcaabeen golaha wasiirada Xukuumadooda laga waayey wasiir ka soo jeeda beesha Warsangeli,

Ugu danbayntii ma jiro, daacadna lagama ah maamulka Cali Khaliif iyo Farmaajo u dhisayaan Sool iyo Sanaag ee waxa la doonayaa waa in la helo Jaran jarao loo maro sidii loo bur burin lahaa maamulka Puntland, laysagana hor keeni lahaa beelaha wada dhashay ee reer Puntland. Taas bedelkooda iyo fikirka guracan ee Farmaajo iyo Cali Khaliif waa in Reer Maakhir midnimo muujiyaan oo la shaqeeyaan maamulkooda Puntland iyo beelaha Walaalahood ah.

Madaxweyne Farmaajo oo shan agaasime guud, Shan Safiir iyo Taliyaal uu ka mid yahay taliyaha Booliiska Soomaaliyed ee lagu qaybsaday 4.5 aan uga magcaabin hal qof oo reer Maakhir, Beeshaasi kama doonayaan maamul cuqdadeed ee Farmaajo iyo Cali Khaliif soo dhoo dhoobeen

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*