26th April 2024  admin  Category :

Ganacasade ka soo jeeda beesha Harti ayaa lagu dilay Kismaayo

Ganacsade Siciid Adoon ayaa caawa dil qorshaysan loogu gaystay magaalada Kismaayo, wuxuuna ka mid ahaa ganacsade kasoo jeeda hayb ahaan Beesha Harti, Majeerteen, Ciise Maxamuud.

Xaaji Saciid Ciise Adoon oo si weyn looga yaqaanay gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo kana mid ahaa Salaadiinta dhaqanka Jubbaland ayaa caawa waxaa dishay koox hubaysan oo afka soo duubatay.

Xaaji Adoon ayaa sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan halka loo yaqaano Sarta-Calaaca.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*