29th March 2024  admin  Category :

Maamulka Cusub ee gobolka Hayland maxay  Bulshada   ka sugayaan?

Dhowaan madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa  Gobolka Hayland u magcaabay Gudoomiye Maxamed Cawil Cabdulaahi iyo ku xigeenkiisa  Kheyre Siciid Cabdulle (Khayre Seete).

Hadaba Gobolka oo dib u dhac weyni ka jiro dhinac kasta  ayaa waxa laga sugayaa maamulkan cusubi  in uu arimahan soo socda  wax ka qabto oo ay ka gaabiyeen maamuladdii ka horeeyey .

Goobolka Hayland  ilaa maalintii loo magcaabay gonolka tobon sano ka hor ma jirin  meel lagu soo bandhigay xadkiisa iyo degaanada hoos yimaada ee uu ka taliyo . Sidaas awgeed maamulka cusub waxa laga sugayaa in marka u horaysa bulshada  u soo bandhigaan  xadka uu la leeyahay  gobolkani gobolada Sanaag, Sool, Nugaal Karkaar iyo Bari.

Arinta labaad ee laga sugayo maamulka Cusub  waa inay la yimaadaan Qorshe ay kula dagaalamayaan argagixiosada Alshabaab iyo  SNM. Maamulka cusubi waa in uu  maamulka Puntland u soo gudbiyaa magacyada raga la shaqeeya maamulka SNM oo degenaashaha iyo ganacsiga ku leh Boosaaso. Hase ahaatee ka shaqeeya amni xumada Puntland.Si loo ogaado dhaqdhaqaaqooda

Arinta sadexaad ee laga sugayo maamulka cusubi,  waa horumarinta arimaha Bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta reer miyiga . Maamulka cusubi waa inuu wakiisha aqoonyahan u dhashay degaanka oo  isku xira maamulka Gobolka Hayland, Puntland, dawladda federaalka iyo Bulshada Caalamka. Maamulka  waa inuu bilaabaa sidii uu u heli lahaa mashruuca  Qaramada midoobey maalgeliso ee  UN Joint Program on Local Governance ee loo soo gaabsho JPLG.

Ugu danbayntii gobolkan oo ah gobolka ugu  Kheyraadka badan Soomaaliya  waa in maamulku ka shaqeeya sidii loo horumarin lahaa gobolka Hayland oo loogu samaysan lahaa maalgashi Soomaaliyeed  iyo mid caalami ah si ay shaqo abuur loogu sameeyo  Bulshada Gobolka

Allsanaag.com

.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*