26th April 2024  admin  Category :

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ka Qayb Galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Marxuum Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle .

axweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta 23 Nevember 2016 ka qayb galay aas qaran oo magaalada Garoowe loogu sameeyey Illaahay ha’u naxariistee  xildhibaan Daahir Xaaji Geelle oo ka mid ahaa xidhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka soomaaliya,

Aaska qaran ee loo sameeyey saaka Illahay ha’u naxariitee xildhibaan Daahir Xaahi Geelle ayaa waxaa Madaxweyanah ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, xubno ka tirasan aqalka odayaasha ee dawladda faderalka Soomaaliya, xildhinaabo kamida Dawladda fadaralka Soomaaliya, madax dhaqameedyo  iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Ugu horayn Madaxweyanha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey qayskii, qaraabadii iyo qarankii uu ka baxay xildhibaan Daahir Xaaji Geelle isagoona Illahay uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo.

“Inaalilaahi wa inaa illayhi raajucuun waxaan halka isugu nimi aaska marxuun Daahir Xaaji Geelle oo runtii ahaa xildhibaan Dawladda fadaraalka  u meteli jirey Puntland in mudo ah aadna loo yaqaaney wanaagiisa, anaguna si dhaw ayaanu isugu dhoweyn oo aanu saaxiib u ahayn, wuxuu ahaa wasiir kamida golahaygii xukuumada markii aan ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaliya, Illaahay ha’u naxariisto illahay meel uga wanaagsan ifka hageeyo, waxaana Illahay uga rajaynaynaa in uu udenbi dhaafo una naxariisto, sigaara waxaan ugu tacsiyadaynayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka tegey iyo dhamaan u mada soomaaliyeed gaar ahaan Puntland” ayuu yidhi madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, aaska qaranka ee maanta loo sameeyey Illaahay ha’u naxariistee Xildhibaan daahir Xaaji Geele ayaa ahaa aas Qaran oo ay si weyn ugu soo qayb galeen dhamaan golayaasha dowladda Puntland iyo shacabka reer Puntland ee ku dhaqan magaalada Garoowe ee caasimada Dawllada Puntland.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

img_0879 img_0882 img_0888 img_0896 img_0904 img_0911 img_0927 img_0932 img_0951 img_0956 img_0960 img_0963 img_0972 img_0974 img_0985 img_0987 img_0991 img_0997 img_1002 img_1005 img_1013 img_1031 img_1047 img_1049 img_1056 img_1057 img_1063 img_1079 img_1081 img_1085 img_1090 img_1091 img_1093 img_1096 img_1121 img_1127 img_1134 img_1137 img_1151 img_1163 img_1164 img_1170 img_1173 img_1176 img_1183 img_1186 img_1195 img_1203 img_1223 img_1242 img_1264 img_1267 img_1273 img_1293 img_1297 img_1301 img_1304

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*