28th March 2024  admin  Category :

Maamulaha ayaa wiil 11 jir ah ku qasbay suuli inuu ka baaro taleefanka gacanta oo ka lumay.

Maamule iskuul oo u dhashay Koofur Afrika ayaa shaqada laga joojiyay kaddib markii lagu eedeeyay in wiil 11 jir ah uu ku qasbay in godka suuliga oo saxaro ay ka buuxdo uu ka raadiyo telefoon isaga ka lumay.

Waxaa la sheegay in ardayga uu xarig ku xiray kaddibna uu ku qasbya in godka suuliga uu ka soo saaro teelfoonka, isaga oo u ballan qaaday inuu siinayo 200 rand ($14; £10).

Ayeeyada wiilka ayaa sheegtay in wiilkeeda uu haatan ka baqayo inuu iskuulka aado isaga oo ka baqaya inay ardayda ku maadeystaan.

Waaxda waxbarashada gudaha ayaa sheegtay in arrintaasi ay tahay ceeb.

Suuliyada godka leh ayaa caan ka ah Koofur Afrika, iyada oo sanadkii hore lagu qiyaasay in iskuullada qaar ay weli isticmaalaan, iyadoo ay jirto inay khatar yihiin.

Sarkaal sare oo waaxda waxbarashada gobolka Eastern Cape ka tirsan, laguna magacaabo Fundile Gade, ayaa sheegay in dhacdadaasi ay tahay mid laga yaxyaxo isla markaana uu booqan doono guriga wiilka si uu raalligelin u siiyo.

Maamulihii iskuulka Luthuthu Junior Secondary School ayaa haatan waxaa baaritaan ku wada waaxda Eastern Cape.

Waxaa la sheegay in sidoo kale uu carruurta kale ku dhiirrigeliyay inay ka caawiyaan soo saaridda telefoonka lumay, kaa soo loo maleynayo in si kama’ ah uu bilowgii bishan uga dhacay suuliga shaqaalaha iskuulka.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in arrintan la ogaaday kaddib markii hay’ad u ololeysa aadidda iskuulka ay ka war heshay arrintan.

Petros Majola, oo ka tirsan Mashruuca Horumarinta Qowmiyadda Khula, ayaa soo wadaagay muuqaal dhacdadaas laga soo duubay kaas oo aad la iskula wadaagya baraha bulshada, isaga oo sheegay in raaidnta telefoonka ay qaadatay muddo hal saac ah.

Kaddib markii ay ardayda kale suuliga baaldi kaga soo saareen qeyb wasakhda ka mid ah, wuxuu Mr Majola sheegay in wiilka xarig lagu xiray oo lagu qasbya inuu gudaha godka galo.

“Wuxuu adeegsaday gacmihiisa si uu teleofonka u raadiyo, iyada oo saxarada ay jilibka u joogtay.”

Sida laga soo xigtay News24, telefoonka lama helin, maamulaha ayaana ardayga dadaalkiisa ku siiyay 50 lacagta dalkaas a

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*