26th July 2024  admin  Category :

Siyasiyiinta Hawiye oo caawa Muqdishi isugu habar wacday

Qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Facebookga ee madaxtooyada Galmudug ayaa lagu shaaciyey in madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu caawa kulan casho sharaf ah ku casuumay xubnaha golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, kulankaasoo ka dhacay hooyga uu Madaxweyne Qoor Qoor ka degan yahay magaalada Muqdisho.

“Madaxweynaha dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho caawa casho sharaf ugu sameeyey midawga musharixiinta xilka madaxtinimo ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Kulanka ayaa wuxuu hordhac u yahay kulamada guud ee looga arinsanayo  arimaha doorashooyinka. Waxaa sidoo kale ka qeybgalaya madaxweynaha DG Hirshabelle Cali Guudlaawe.”

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaaw, madaxweynihii hore Xasan Sheekh, Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo Siyaasi Daahir Geelle.

Kulanka uu caawa Qoor Qoor ku casuumay musharaxiintan waxuu ku soo aadayaa iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka doorashada Soomaaliya, sidoo kalena aan weli lagu guuleysan inay shir isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, kadib safar qaatay todobaadyo oo uu dalka Turkiga uu ku joogay, waxaana weli Turkiga ku maqan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Waxaa jira xogo tilmaamaya in madaxda maamul goboleedyada ee taabacsan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowaldda federaalka  ay doonayaan in gogosha shirkaas oo hadda Xalane taalla loo wareejiyo madaxtooyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*