26th July 2024  admin  Category :

Maalintii Amxaaro iyo SNM ku heshiiyeen jabka Soomaaliye, Gen Maxamed Saciid Xirsi Morgan muujiyey geesinimo iyo wadaninimo

Dhamaadkii Sanadkii 1983, waxay ahayd  sanadkii ardada Soomaaliyeed ee ka soo baxday dugsiyada sare ay ugu baxeen  Gurmadka dhamaan gobolada Soomaaliyeed. oo ardaddii ka soo baxday Dugsiyada sare  ee  koonfurta Soomaaliya loo diray waqooyiga Soomaaliya kuwii ka soo baxay waqooyiga Soomaaliyana loo diray Koonfurta Soomaaliyed.

Ardaddii   ka soo qalin jabisay  dhamaan Dugsiyaddii sare ee  koonfurta Soomaaliya sanadkii 1983, sida dugsiyada sare ee goboladda Banaadir, Shabeelaha dhexe, Shabeelaha hoose iyo Jubadda hoose oo saaran gawaarida Ciidamada qalabka sida ee xoogga dalka Soomaaliyeed  oo ay galbinayaan madaxddii Soomaaliyeed oo uu hogaaminayey  madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allah ha u naxariistee Maxamed Siyaad Bare iyo Allah ha u naxariistee Cabdirisaq Maxamed Abokar ayaa maalintaas  isugu yimid Kantaroolka waqooyiga  magaalada Muqdisho ee  u dhowaa warshaddii  Baastada.  Si  ay ugu diyaar garoobaan socdaalkoodii ugu danbeeyey  oo ay ku aadayeen waqooyiga  Soomaaliya.

Khudbado iyo waanooyin ka dib ayaa ardadddii ka soo qalin jabisay Koonfurta Soomaaliya gawaaridii ay saarnaayeen waxay  u dhaqaaqeen waqooyiga Soomaaliya. Ardadan  intooda badani waxay ahaayeen kuwo markii ugu horaysay dhaafi doona magaalooyinka Mahaday iyo Buurane

Gawaaridii ay saarnaayeen Ardaddi gurmadka ahayd waxay xawaare ku dhaafeen gobolka Shabeelaha dhexe iyo inta badan gobolka  Hiiraan. Laakiinse Markii  ay marayaan gobolada Hiiraan iyo Galguduud inta u dhaxaysa sheekaddi waa is bedeshay,  waxaana laga war helay in dawladdi Itoobiya ee uu hogaaminayey gacan ku dhiilihii Minigste ay  doonayaan inay rusheeyaan oo duqeeyaan ardaddii socdaalka ahayd. Iyaga oo ka dhigaya inay Ciidamo yihiin

Arintan markiiba waxa ficil deg deg ah ka sameeyey si u badbaadiyo caruurtii  Soomaaliyeed oo la doonayey  in xasuuqo taliyihii hore ee qaybta 21aad ee Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Gen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan.

Gen Maxamed Saciid Xirsi Morgan, ayaa amaray ciidamadii Soomaaliyeed in Ardada looga leexiyo Laamiga dhinaca Bari oo la dejiyo bariga magaalada Guri Ceel geedo Guracyo ah oo ku yaalay

Habeenkii ardaddii halkaas ayeey ku hoydeen, waana ku nabad galeen iyaga oo lagu ilaalinayey inata laga helayey gurmad iyo diyaarado dusha ka ilaaliya inta ay safarkooda  ku jiraan.Habeenkaas dadkii roonadada ahaa   ama ilaalinayey Ardada oo mid mid ula kulmayey waxa  ka mid ahaa Gen Maxamed Saciid Xirsi Morgan .

Ardaddi nabad gelyo ayeey uga soo baxeen Gobolka Galguduud, waxay xawaare ku soo dhaafeen gobolka Mudug. Markii ay halkaa soo gaareen gobolka Nugaal waxa ka hortagay oo gacmo furan ku soo dhoweeyey Gudoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Allah ha u naxariistee Godane Cali Bile. Gudoomiye Godane ardada waxa uu geeyey meel bariga ka xigta magaalada Garoowe oo ahayd Durdur ardadu ku qubaysteen markii ugu horaysay safarkooda , markii ay soo dabaasheenna waxa la geeyey Magaaxiyo cunto loogu diyaariyry oo ku yaalay magaalada Garoowe

Markii ay soo gaareen gobolka Togdheer halkaa waxa ku soo dhoweeyey Allha u naxariistee gudoomiyihii gobolka ee waqtigaas Garaad Abshir Saalax. Madaxdan ka soo jeeday beesha Daarood dhamaantood waxay gudanayeen xilkii ay u hayeen Qaranka Soomaaliyeed iyaga oo aan qabiil iyo degaan fiirinayn. Halka madaxdii Isaaq kuwii la joogay Itobiya ay doonayeen in caruurtan afduubtaanoo ka iibsadaan Mingiste,  kuwii Hargaysa iyo Burco joogayna ay ugu yeerayeen magacyada kala ah  Sankudhuudhi, Walaweyn Qirin qiir. Qirin qiir waa cudur digaaga gala oo ay ugu yeeri jireen Caruurtii ka timid koonfurta Soomaaliya oo la keenay gurmadka  Hargaysa iyo Burco

Nasiib xumo ardaddi markii ay gaareen  waqooyiga Soomaaliya sideedii bilood oo halkaa ku maqnaayeen waxa laga ilaaninayey jabhaddi SNM oo uu hogaaminayey gacan ku dhiigle Siilaanyo.

Tusaale hadanan u soo qaadano Gabayre iyo Fargeeto oo ka soo kala baxay dugsiyada Shabbele ee Jowhar iyo Baydhabo   oo hadda kala ah   gudoomiyaaha rugta ganacsiga Muqdisho iyo wasiirka Maaliyadda Soomaaliya,  labadu waxay ku  qornaayeen gobolka Togdheer degmooyinkiisa Buuhoodle iyo Oodweyne. Sideedii bilood oo halkaa joogeen waxa laga ilaalinayey in jabahaddi SNM ee  beesha Isaaq ku midaysnaayeenay afduubtaan oo ka gataan dawladda Itoobiya oo generaal Morgan diiday inay dhibaateeyaan ama dilaan markii ay marayeen gobolka Galguduud

Ugu danbayntii Muuse Biixi, Siilaanyo lixle, Axmed Mire, Cali guray iyo kuwii la midka ahaa oo isir nacaybka u kufsan jiray dumarka xoolaha la jooga  oo  dili jiray xasuuqana u gaysan jiray  caruurka iyo dadka safarka  ah oo aan la haybta ahayn  ayaa ah  danbiilayaal dagaal iyo Gacan ku dhiiglayaal ah. Gen Maxamed Saciid Xirsi Morgan maalintii beeshiisu ay isugu biyo shubteen jabhaddi SSDF  isugu  Qaranimada Soomaaliya yuu ka doortay qABIIL  maalintii Amxaaro doonaysay inay ku ciil baxaan oo xasuuqaan ardaddii Soomaaliyeed wuxuu muujiyey Soomaalinimo iyo waalidnimo in maanta maangaab SNM ah uu ku sheego denbi ayuu galay isaga oo Qarankiisa difacaya waxa laga sugayaa 20,000 oo arday oo Soomaalinimada u difaacay in maanta sharfatiisa ilaaliyaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*