28th March 2024  admin  Category :

Afarta Qof ee reer Maakhir ee ku tartamaya Kurisga aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya yey kalsoondida ka haystaan oo taageeraya?

Axmed Maxamuud Cabdalle  Tigaana, oo ah agaasimaha guud ee dhalinyarada iyo ciyaaraha maamulka Puntland   oo u tartamaya aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya taageerada ugu badan wuxuu ka haystaa shacabka Puntland iyo guud ahaan magaalada Garowe oo uu caan ka yahay. Waa laga yaabaa caanimadiisa iyo muuqaalkiisa oo la wada yaqaan Puntland  in  lagu soo  doorto

Maxamed maxamuud Cali Bile (Maxamed Deeq), oo horay uga soo noqday dawladda Puntland Wasiiru dawale waqtigii madaxweyne Faroole. Isagu taageerada ugu badan wuxuu ka haystaa wasiiradii hore ee  Puntland iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Puntland. Dadka u ololeenaya inuu guulaysto  waxa ugu caansan General Ilkojiir. Waa Laga yaabaa Ilko jiir oo caan ka ah Puntland lagana jecel yahay in n Xildhibaanada Puntland u doortaan Maxamed Deeq

Saciido Xasan Cismaan oo horay u soo noqotay wasiir ku xigeenka wasaaradda  Kheyraadka iyo batroolka dawladda federaalka Soomaaliya, iyadu taageerada ugu badan waxay ka haystaaa Suldaan Siciid iyo Garaad Cabdulaahi Cali Ciid. Sidoo kale waxa ku  taageeraya inay ka mid noqota Aqalka Odayaasha  madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo aan isagu  doonayn inuu Muqdisho u diro Dumar ka soo jeeda Beeshiisa. Mdaxweyne Gaas oo ka cararaya in qof Dumar ah oo ka soo jeeda beeshiisa u u diro Aqalka Odayaasha waa laga yaabaa in uu olole xoogan u galo  sidii Xildhibaanada Puntland u dooran lahaayeen in Saciido ka mid noqoto  Aqalka Odayaasha

Aqoonyahan Siciid Maxamed Aadan isaga waxa taageeraya ololihiisa  NGOyada iyo Raisawasaaraha Soomaaliya  iyo madaxweynaha Puntland oo  sida la sheegay ay  xidid yihiin. Gaas oo ku fiican xididnimada oo aad uga dhex muuqadaan dawladdiisa qoyska uu xididka la yahay  iyo Risawasaare  Sharmaarke oo Saciid adeer u yahay, isaguna wuxuu haystaa fursad fiican inuu ka mid noqdo Aqalka sare. Waana ninka haysta saadaalinta ugu badan maanta mar aan la xiriirnay meelo badan oo wax laga odarasi karo

Ugu danbayntii Bulshada reer  Maakhir guud ahaan ayaan iyagu taageersanayn sida wax u socdaan iyo halkan  Xildhibaan oo xaaraanta ah oo la aqoon sida beeshu saamigii Puntland uga heshay. Beelaha kale oo helay halka Xildhibaan waxa ka mid ah Beelaha Dirta iyo Meheri Ismaaciil

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*