28th March 2024  admin  Category :

Ma xuma hadaynu sarifano qayb ka mid ah Buuraha Calmadow oo an ka saarayno argagixisada ku dhumalaysanaysa?

Sawirku Waa Jaanka Ceelaayo. Sanaag, Puntland

Dhowaan waxa gaaray qaybo ka mid ah Buraha Cal madow ee gobolka Sanaag madax ka socotay Maamulka Puntland iyo Wafti ka socda shirkado shisheeye oo xiisaynaya inay mal gashadan Buuraha Cal madow, si ay taa u gaaraana ay marka hore doonayeen inay soo sahmiyan degano ay horay u haysteen magacyadoda oo ay ka mid tahay degaanka Macagta oo dhaca Waqooyiga Buuraha Calmadow.

Maanta sida la wada ogyahay Buuraha Cal madow intoda badan waxa xoog ku haysta koox argagixiso ah , oo kheyradkii ku jiray si khaldan u guranaya iyaga oo cidna wax ka waydinayn.

Marka hore waa arin wanagsan inan ogaano Khayraadka ku jira Buuraheena , marka labaad oo aynu ogaano inta Kheyradkasu gaarsisan yahay waa Mid ka sii Fiican, Hadii ay markaa Jiraan shirkado shisheeye iyo kuwo Soomali ah oo maalgshanaya Buraha Calmadow, iyaga oo dhowraya degaanka , sharciga iyo xaquqda dadka deganka loogu yimidna waa inta aynu wada doonaynaa.

Hadaba si taa loo gaaro oo loo helo Shirkado mal gashada Burahan xooga lagu hayso ilaa mantana loo soo socdo, waa in la helaa Ciidan ka saara Buurta Maleeshiyadka aan arxanka lahayn ee ka kala Yimid Koonfurta iyo Waqoyi galbeed ee Soomaliya ee maanta bililiqada ku haya Buuraha Calmadow.

Wiilashii awoowayaashood ay dhiiga u daadiyeen in Jiilka ka danbeeya oo dhaxlayaa ay ka faaidaystaan khayraadka Ku jira Buurahooda ayaa manta dantu waxay baday inay saacado badan ay buurta qodayaan, iyaga oo shaqaynaya shirkado dhiig miirato ah o an waxba xerinayan

Sawirka hoose waa dhagxan Dahab ah oo laga helay deganka Macagta ee Buraha CALMADOW oo maanta suuqyada Puntland lagu kala gadanayo. Canshuur lagama siin reer Sanaag, Beel ahaan wax lagama waydiin, Isim wax kama oga, aan ka ahayn Wiilasha reer Maakhir oo sida adoonsiga loogu shaqaysanayo iyaga oo jooga degaankoodii.

Hadaan u soo laabto sahmiskii degankan Dahabkan laga keenay ee Macagta oo ay madaxda Puntland geeyeen shirkadaha SAHMINAYA, ayaa wasiirkii iyo taliyihii hogaaminayey wafdiga Puntland labuduba waxay ka soo jeedeen gobolka Sanaag. Manaha Siyaasiyiin Qurba joog ah, ee kuwa joogay degaanka ilaa maalmihii SNM ee Sideetameeyadii. Waxay caan ku yihiin Dad iyo Degaan Jacayl

Wasirka iyo Taliyuhu waa ku mahadsan yihiin howsha sahmiska, waxaan kula talinaynaa inay Bulshada la hadlan, talo ka qaataan, wacyi gelin sameeyaan, una sheegaana natiijada sahmiska marka ay helaan oo ayna noqon sidii Xildhiban Cabdi Jamal oo waagii Galgala Ku yidhi madaxweyne Faroole hadaad aniga i haystaan beesha inteeda kale waa ka maarmi kartan. Farolena uu rumaystay, taasina ay keentay dhibta ka jirta Buraha Calmadow.

Mar haddii aynu ku guulaysanay midaynta ciidamadena, oo gacanta ku dhignay kuwii la joogay cadowga SNM waa in markan Dawladda Puntland ay saldhig CIidan ka samaystaan galbeedka Buraha Calmadow. Si kuwo soo socda looga hor istaago, kuwa hadda ku jirana looga sifeeyo buurta. Waa in si loo wada arkaa cid kasta o burta sharci laa’an wax kaga qodanaysa inay yihin Alshabab ama Alshababku mal geliyan. Sidee ku dhacday in Reer Maakhirna ay ka Barakacaan degaankooda, Dad Hargaysa iyo Baydhabo ka yimidna ay Macdan ka qodanayan haddii ayna wada shaqayn ka dhaxayn alshabaab

Ugu danbaynti waa soo dhowaynaynaa Horumarka Puntland ka socda iyo dawladda hadda jirta dedaalka ay ugu jirto inay isbedel horumarined ku samayso nolosha bulshada reer Puntland, iyaga oo ka faaiidaysanaya Khayradka ku jira degankoda Buraha Calmadow reer Puntland waa wada leyihiin, sidaas awgeed waa in loo diyaar garobaa sidii looga sari lahaa argagixisada.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*