26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda, ayaa galabta lagu soo dhoweeyay degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal.

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland waxaa banaanka hore ee degmada Dangoroyo kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka mid ah labada Gole ee Dowladda , Maamulka Degmada, Hogaanka Dhaqanka iyo boqolaal ka mid ah Bulshada kala duwan ee degmada Dangoroyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo fagaare kula hadlayey dadweynaha Dangoroyo, ayaa uga mahadeliyey soo dhoweynta, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in waxyaabihii ay dadka deegaanka hore uga codsadeen oo ay ka mid aheyd dhismaha Wadada Dangoroyo iyo Eyl, uu ku faraxsanyahay in dhowaan shaqadeedu bilowmayso, oo wafdi uu hogaaminayo Safiirka Shiinaha oo arrimahaasi u yimi uu asbuucan booqday Eyl.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhiirigeliyey dadka degmada Dangoroyo ka shaqeynta horumarka, Midnimada iyo Nabadgelyada guud ee Puntland.

Image may contain: 4 people, people standing, hat and outdoor
Image may contain: 13 people, people standing, crowd and outdoor
Image may contain: 2 people, crowd and outdoor

Image may contain: 2 people, people sitting and table

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*