16th April 2024  admin  Category :

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa is bedel ku sameeyay qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Warbaahinta dowladda iyo Waaxyo kale oo Wasaaradda ka tirsan.

Wasiir Maareeye ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jeyte, waxaana xilka Agaasimaha Radio Muqdisho loo magacaabay Yaxye Cali Faarax.

Sidoo kale Agaasimihii Telefishinka SNTV ayaa waxaa laga qaaday Liibaan Cabdi Cali, waxaana loo magacaabay Faarax Salaad Dharaar.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa loo magacaabay Cali C/qaadir (Cali Maykal).

Is bedeladan cusub ayaa ahaa kuwo lama filaan ah, iyadoo la faray Agaasimayaasha cusub ee inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay xilalka ula wareegaan.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada:-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*