26th July 2024  admin  Category :

Puntland ayaa dhawaan ka hor timid manhajka waxbarasho ee la horgeeyay gollaha wasiirada ee Dawladda Fedaarlka ee Soomaaliya. Hadaba ka hor imaanshaha Puntland ay ka hortimid ayaa dadka qaarkiis waxeey u arkaan in Puntland ay tahay mid dawaladda ku ah carqalad ama jecel ineey carqalad abuurto.

Hadaba, maamulada dalka Soomaaliya waxeey codsanayaan in talada dalka laga qeeyb gelliyo oo aan sidii dawaddii hore aan loo dhaqmin ee iyadu aheed midda go’aan walba gaari jirtay ha wannaagsanaado ama ha xummaado. Dalka waxa uu dal ku noqon karaa marka taladiisa lawada wadaago, waana in la illaaliyaa nidaamka federaalka ee uu dalka yeeshay. Waxaa xaqiiq ah in dalka welli uusan yeelan dastuur la isla meel dhigay iyo wax si toos ah u kalla qeexaya cid kasta waxa ay xaqa u leedahay.

Tusaale, dalka Mareeykanka oo ah dal nidaamkiisa uu yahay federaal ayaa waxaa waxbarashada maamula gobolada iyo dawladdaha hoose ee gobololadaas, mana jirto cid ku maamusha manhajka ay dhigayaan; sidoo kale, dawladda federaalka ee Mareeykanka waxeey siisaa ama ku kabtaa gobolada dalka lacag dhan 8 boqolkii, inta kalle oo ah 92 boqolkii waxeey ka timaadaa gobolada oo iyaga ayaa la baxa.

Dhinaca kalle, dalka Canada, ma laha wasiirka waxbarashada ee heer federaal, waxbarashada dalka oo dhana waa mid ay maamullaan gobolada dalka, gobol kastana waxa uu leeyahay manhajkiisa u gaarka ah. Sidoo kalle, gobol kasta oo ka mid ah dalka Canada waxa uu leeyahay wasiir waxbarasho oo gobolkaas gaar u ah. Su’aasha isweeydiinta leh waxeey tahay, ma Puntland baa qaldan, mise dawladda federaalka? miyeeysa haboon tahay in maalin kasta la is jiijiito? Maxaa ka hortaagan in wasiirka waxbarshada ee federaalka uu la tashto gobolada dalka?

Hadaba si aad u wax badan uga oggaato nidaamka waxbarasho ee Canada iyo Mareeykanka fadlan hoos ka aqirso.

https://www2.ed.gov/about/overview/fed/role.html

http://www.cmec.ca/299/Education-in-Canada-An-Overview/

Puntland oo dhawaan diiday manhajkii dhawaan la horgeeyay golaha wasiirada.

https://youtu.be/VkveMLdlHBQ

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*