26th July 2024  admin  Category :

Garyaqaan Guud  ee Puntland;”Ma lahan  Camey awood uu ku magacaabo guddiga xalinta khilaafadka”

Garyaqaanka guud ee maamulka Puntland Maxamed Yuusuf Maxamuud  ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku caddeeyay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uusan awood u lahayn magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Garyaqaanka guud oo laga tixraacay Dastuurka Puntland iyadoo lagu sheegay in qodobada 80aad iyo 81aad ay kala cadeynaayaan awoodaha Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland.

Dhowaan ayaa  Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxa ay soo saareen liisas iska soo horjeeda oo mid walba uu ku magacaabayo Guddiga xalinta khilaafaadka ansixinta baarlamaanka cusub ee Maamulka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*