23rd December 2024 admin Category :
Ciidan kasta oo lagu xasuuqo buuraha Calmadow sabab waxa u ah Qaad laga keenay Burco iyo Beer ilaa hadana ma jirto khuburo loo saaray arintan oo baaritaan ku samaysay
Xasuuqii maanta ka dhacay degaanka Afurur ee gobolka Bari ee lagu dilay Dumarka, caruurta iyo Askarta Puntland ayaa waxa la sheegay in Waxyaalaha qarxa lagu xiray Miiskii qaadka lagu qadayey. Hadaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay soo ma dhici karto in baabuurta jaadka wada ee ka imanaysa Burco iyo Beer in jawaanada ay wadeen lagu soo qariyey Banbooyinkan daka dilaya. Yaase baaray oo sheegay in miiska Miinada lagu xiray, mar haddii hooyadii miiska qaadka lagu gadayey lahayd ay iyadii qaraxa ku dhimatay. Dadkii meesha ku soo ururay oo qaraxu haleelay ma sheegi karaan sida qaraxu u dhacay oo waxay u baahan tahay baaritaan la sameeyo
Xasuuqan kii ka horeeyey ee ka dhacay degaanka Afurur, isagana waxa saamayn ku lahaa qaad ka yimid Burco iyo Beer oo ah meesha lagu tababaro alshabaabka.
Arinta labad oo qaadka wehelisa ayaa waxay tahay taliyaasha ciidamada haysta oo howshii loo xilsaaray oo ay u joogeen buuraha Calmadow sidii la rabay aan uga soo bixin. Tusaale haddii isu socodkii Buuraha iyo magaalooyinka la joojiyey, waxay ahayd in qaadka Burco iyo Beer ka imanaya oo u socda Buuraha calmadow isagana la joojiyo si aan Asakarta cadowga la dagaalamaysaa loo mashquulin.
Arinta sadexaad ee cadowga kaalmaynaya ayaa waxay tahay inay basaasiin ku leeyihiin dad u dhashay degaanka iyo Askarta dhexdooda, Maanta markii dhaawaca la qaaday oo la sii waday magaalada carmo jidka ayaa loo galay dadkii dhwaca aahaa ee la siday oo isugu jiray dumar iyo caruur. Waana la sii sheegay xilliga ay ka baxayeen Afurur.
Ugu danbayntii Alshabaab, Reer Buco iyo Beer ka dhamaan maayaan buuraha Calmadow ilaa dadka u dhashay degaanku ay ogaadeen in dhulkan ay dhaxal uga heleen awoowayaashood dhiig badana loo soo daadiyey , si iyaga loo soo gaarsiin lahaa. Iyaga uun ayaa soo afjari kara xasuuqan aan naxariista lahayn oo hooyada uurka leh iyo Cabdi Cali oo 104 jir ah si loo wada dilayo
https://allsanaag.com/xasuuqii-suqure-ee-gobolka-bari/
ALLSANAAG.COM