26th July 2024  admin  Category :

Labo Askari oo ku dhaawacmay Dagaalkii ka dhacay Deegaanada Degmada Qandalla oo Bosaaso Lasoo Gaarsiiyey

Labo Askari oo kusoo dhaawacmay dagaalkii Dawlada Puntland iyo Kooxda Daacish ku dhexmatay deegaanada Degmada Qandalla ayaa Goordhowayd Magaalada Bosaaso Lasoo gaarsiiyey.

Labadan Askari ee dhaawacmay ayaa ka tirsanaa Ururka 13-Aad ee Ciidamada Daraawiishta Puntland Waxaana Lagu kala Magacaabaa Cumar Sandaqad iyo Axmed Walac Walac,waxaana Xaaladooda Caafimaad Lagula tacaalayaa Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Bosaaso.

Dagaaladii Dhexmaray Dawlada iyo Kooxda Daacish(ISIS) ayaa Waxa ka dhashay khasaare dhaawac iyo dhimasho iyo Maxaabiis la qabtay,iyadoona dhanka Kooxda Daacish uu soo gaaray Khasaare Baaxad Leh,maadaama aysan jirin Magaalooyin  ay si gaar ah u Maamulaan oo dhaawacooda Lagula tacaali karo Ama Lagu Dawayn Karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*