28th March 2024  admin  Category :

Labadii duuliye ee diyaaradda Ethiopian Airlines oo seexday diyaaradda oo degi rabta

Labo duuliye ayaa ku seexday 37,000ft (11,000m), iyagoo lumiyay dhabbaha ay diyaaraddu ku cararto si ay duulimaadka si nabad ah ugu dajiyaan.

Ilaalada hawada ayaa la xiriiray kadib markii ay kasoo dageen garonka diyaaradaha ee addis ababa

Shaqaalaha diyaaradaha Ethiopian airline ayaa ugu danbeyn qaylo ku kiyay duuliye yaasha taasi oo sababtay in diyaaradda ayku dajiyaan marxaladda labaad sida ay sheegtay aviation herald.

Diyaaradda  Boeing 737, waxay qaadda 154 rakaab ah taasi oo wax kayar labo saacadood ku qaadata marka ay u safreyso dalalka deriska ah.

Fal celin naxdin leh ayaa ka dhalatay in duuliye yaashu ay hurdaan xilli ayku guda jireen jadwalkooda shaqada.

Ma eedeyn donno shaqaalaha Ethiopian airline si qaas ah arrintan, sababtoo ah arrintan waa mid markasta ku dhici karta shaqaalaha, eedeynta waxay saarantahay shaqaalaha iyo maamulka ayaa lagu yiri qoraal kale

Baraha bullshada ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay arrintan,taasi oo dad badan ayku tilmaamen dhacdo qosol badan.

Ethiopian Airlines

Khabiir ku xeel dheer arrimaha duulista ayaa oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid “mid walaac aad u wayn leh”.

“Miyir beelka duuliyeyaasha ma aha mid cusub, waana arrin sii socota oo khatar joogto ah ku haysa nabadgalyada duullimaadyada – guud ahaan caalamka,” ayuu Twitter-ka ku qoray Alex Macheras.

BBC-da ayaa xiriir la samaysay mas’uuliyiinta shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, balse wax jawaab ah ma aysan bixin.

Dad badan waxa ay xasuustaan shilkii ugu dambeeyay ee diyaaradda Itoobiya, oo dhacay 10-kii bishii Maarso ee sanadkii 2019, inkastoo uu ahaa mid ku yimid cillad farsamo oo dhanka diyaaradda ah.

Diyaaradda oo kasoo duushay Addis Ababa, kuna sii jeeday Nairobi ayaa ku burburtay Itoobiya, waxaana ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa oo ay tiradoodu ahayd 157 qof.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*