28th March 2024  admin  Category :

Ciidamadda dowladda Soomaaliya oo isugu jira boolis iyo Nabad sugid ayaa dagaal xooggan kula jira dabley hubeysan oo weerar ku gashay hoteelka Hayat ee ku yaala ka soo horjeedka xarunta baarista dambiyada ee CID-da.h\

Wararka ayaa sheegaya in dabley gaareysa ilaa saddex ay gudaha ugu jiraan hoteelka, iyadoo ciidamadda amaankana ay isku hareereeyeen dhamaan dhismaha hoteelka, iyadoo la maqlayo rasaas culus oo labada dhinac ay isweydaaraanayaan.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in gudaha hoteelka ay ku jiraan shacab badan, kuwaasoo meesha ku go’doonsan, laamaha amaanka ayaa dadaal galinaya sidii dadkaasi iyagoo nabad qaba loo soo saari lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*