29th March 2024  admin  Category :

Seeraar iyo Xidig oo ah shaqsiyaad uu soo diray Farmaajo si amni xummo iyo dagaal looga dhaliyo magaalada Kismaayo,  ayaa maanta isku calleemo saaray guri ku yaal magaalada Kismaayo. Hadaba, guriga uu ka dhacayey calleemo saarka yaabka leh, ayaa waxaa soo camiray dad u badan barakacayaasha degan magaalada Kismaayo.

Labadan nin, ayaa awal sheeganayey in nin kastaa uu goonidiisa uu u yahay madaxweeynaha Jubaland, balse maanta waxeey sheegeen in kursiga madaxweeynaha ay labadooda wadda maamulayaan, midba kursiga uu dhinac kaga fariisan doono, waxeeyna sheegeen ineey u guurayaan Bu’aale.

Adduunka waan aragnay madaxweeyne iyo ra’iisal wasaare, balse laba nin oo kursi ku wadda fariisanaya ayaa ah sheeko ku cusub adduunka, mudana in lagu soo daabaco jar’aaidka adduunka qeeybtooda waxyaabaha ku cusub adduunka ee lagu qoslo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*