23rd October 2024  admin  Category :

Aadan Siiro oo ka mid ah SNMta, marar badana ka sheegay masaajidka uu muumulo in laga taageeri jiray SNMta, ayaa maanta waxa lagu eedeeyey in uu doonayo in uu sifo sharci darro ah ku iibsado guri ay ka taktay dawalddii Kacaanka oo ay degan yihiin hooyo iyo carruurta ay dhashay oo agoon ah.

Waxaan la soconaa in dhammaan guryihii dawladdii Kacaanka ay ka tagtay ee ku yaalay magaalada Hargeeysa in la wadda iibsaday, oo ay yar tahay maanta waxa ka haray. Hadaba, siyaasiyiinta SNMta ayaa ka dhaadhiciyey shacabkooda in ay Soomaali ka go’ayaan, dabadeedna ay ka dhigayaan deeganadooda sida dalka Singapore, taas beddelkeeda, waxaa la iibsaday inta badan hantidii shacabka oo ay ka taktay dawladdii Kacaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*