18th April 2024  admin  Category :

Dalka Itoobiya oo ay Soomaaliya deris yihiin ayaa waxaa ka socoda dadaal lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka Itoobiya. Waxaana haboon in ummada Soomaaliyeed oo ah dad qabiilka quuta ay ku daydaan wadamada adduunka ee horey u socda. Waxaa dhici kareesa marka qof Soomaali ah loo soo bandhigo dad dalkooda dhisanay sida Itoobiya in qaar badan ay markiiba yiraahdaan ANAGEEY ITOOBIYAAN NOO FAANINAYAAN, laakiin ujeedada waxeey tahay in aan ku dayano bulshada horey u socoto, adeerkeen qabyaalad cid meel ku gaarta Soomaaliya waa la waayey.

Maanta warshadaha dharka ee Itoobiya marka dhamaan la isku daro waxaa ka shaqeeya dad kumanaankun ah, balse anagu waxeey noogu baxday inaan niraahno adduunka hanala soo gaaraan waxaan cunno iyo daawo, adduunka imiseey wax ku siin karaan? Ma tan iyo aakhiro?

Hadaba, tani waa shirkada Raymond ee laga leeyahay dalka India ayaa ka furaratay warshad soo saarta jaakadaha xaragada.

Sidoo kalle, Ayka Addis oo ah shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa ka hirgelisay dalka Itoobiya warshad weeyn oo sameesa dharka. Shikadan waxaa ka shaqeesa in ka badan 7,000 todobo kun oo qof, waxeeyna maalin kasta sameesaa in kabadan 75,000 oo shey.

https://youtu.be/ehy5P-1K8Xo

Waxaa iyaguna ka dhisanaya warshado sameeya dharka shirkado laga leeyahay dalalka Mareeykanka, Isbeen, Shiinaha, Faransiiska, Biljimka, Sirilaanka iyo Hong Kong.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*