26th July 2024  admin  Category :

Xildhibaanadii Beesha  Hawiye ee Baarlamanaaka Soomaaliya,  Markii ay waayeen Ra’iswasaare  ka soo jeeda Beesha Daarood oo ay sidoodii Washamsi   ay xilka kaga qaadayaan ku qaadaan, ayeey  hadda  waxay bilaabeen inay Ugaarsadaan Wasiiraddii ka soo jeeday Beesha Darood iyaga o ujeedadoodu tahay inay iftiinka Dawladnimo oo soo if baxay  ay nalka ka damiyaan

Fadhigii Xildhibaanada golaha shacabka ee maanta ayaa waxaa hareeyay buuq ka dhashay Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo cudur daar u soo gudbiyay Guddoonka, kaasoo uu ku dalbanayo in mudada uu ku hor imaanayo Golaha looga dhigo 11 Agosto,iyadoo Xildhibaanada ay maanta ka sugayaan inuu hor yimaado, kaddib markii todobaadkii hore loo yeeray.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka hor-yimid warqada codsiga ee ka timid Wasiir Xoosh, iyagoo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa, kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu ka dhega adeegay u yeeristii Xildhibaanada,

Guddoonka Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in cod la geliyo codsiga Wasiirka ah, waxaana cod qarsoodi ah oo loo qaaday waxaa ogolaatay 85 Xildhibaan in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa, halka 77 Xildhibaan ay diideen.

Intii lagu dhawaaqayay natiijada codka ayaa waxaa ka dhashay kulanka buuq iyo Xildhibaano dhex martay inay is tuuraan, kaddib markii Guddoomiye Jawaari uu mid ka mid ah Xildhibaanada ka dafay warqadii ay ku qorneyd natiijada, taasoo keentay in Xildhibaano kale ay kala tuuraan.

Guddiyada Joogtada Baarlamaanka ayaa markii dambe loo xil saaray inay go’aan ka soo gaaraan in dib u eegis lagu sameyn doono xilka Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo in loo ogolaado mudada uu dalbaday ee 11 -ka Agosto ah, hadii Guddiga isku raacaan in Wasiirka xilkiisa dib u eegis lagu sameeyo, waxaa loo qaadi doonaa codka kalsoonida

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*