26th July 2024  admin  Category :

Gacan yarayaashii xasan Culusoow oo lasoo baxay ‘carab dalab leh”

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay hadalo xanaf leh saxaafada siinayay qaar ka mid ah wasiiradii dhawaan xilka baneeyey ee dawladdii Xasan Culuoow

Cabdirisaaq Maxamed cumar

Waxaa ugu dambeeyey wasiirkii amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo sheegey in ciidamada ay tabobaraan Imaaraadka Carabka aysan ka amar qaadanin taliska ciidamada guud, ayna jireen isku dhacyo badan iyo caqabado.

“Imaaraadka Carabta waa sax xero ciidan ayay ku leeyihiin Muqdisho, laakiin ciidamada tababarka loo dhameeyay, waxay awaamiirta ka qaataan Imaaraadka, inkastoo Ciidamo Soomaaliyeed yihiin, balse uma dhega nugla Taliska Ciidanka, intii aan Wasiirka ahaa, waxaa jiray isku dhac iyaga, Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska dhex martay, is faham la’aanta jirta ayay qeyb ka tahay”ayuu yiri Wasiirkii hore ee Amniga.

Waxa kale oo uu dhaliilay shirka London ee May, isaga oo sharci daro ku tilmaamay in ciidamada xoogga dalka lagu soo koobo 18 kun, taasina ay ka hor imanayso dastuurka dalka.

Mar sii horeysey waxaa isna warbaahinta la hadlay Mahad Salaad oo ahaa wasiirkii madaxtooyada, wuxuuna sheegey in shirka London uu yahay qiyaano qaran, isaga oo xusey in sida loo qeybiyey ciidamada xoogga dalka ay ka hor imanayso qaranimada dalka.

Waxa ay doodiisa u muuqatay in uu difaacayo ciidamada militariga hadda jira ee iyagu u badan kuwa kasoo jeeda hal beel iyo hal deegaan, islamarkaasina Soomaaliya oo dhan aanan laga soo xulin.

Lama oga waxa hadalada mas’uuliyiinta hore hadda kusoo beegmey, iyo in ay jiri doonaan dad kale oo iyaguna hadli doona.

https://youtu.be/TS5zJjia7nQ

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*