27th April 2024  admin  Category :

Sakariye Xaaji Maxamuud oo horay u  ahaa gudoomiye ku xigeenkii ururkii argagixisada ee  Isbahaysiga dib u xoraynta ee lagu soo dhisay Asmara, waqtigii uu Soomaaliya madaxweynaha ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf ayaa maanta warbaahinta ka hadlay. Ururkaaaas  Isbahaysiga dib u xoraynya ee Asmara lagu soo dhisay  ayaa markii danbe isu bedelay  Maxaakiimta oo uu weli ka sii tisnaa sakeriye markii danbeba ururkaasi wuxuu  sii noqday Alshabaab.

Maalmihii sanadkii 2008,   dhalinyarada reer Puntland ay  dhiiga u dadinayeen si loo helo Qaran Soomaaliyeed oo suuqyada Muqdisho maydkooda  lagu jiid jiidayey,  Zakariye Xaaji isagu   suuqyada Ingiriiska ayuu Afgaanistaan uga madaharaadayey. Hoos ka akahriso

https://youtu.be/DgZIh7gmVl8

Axad, March 16, 2008 Dad gaaraya 10,000 oo dibad-baxayaal ah ayaa waxaa ay isugu soo baxeen fagaaraha Trafalgar Square ee ku yaala Magaaladda London is ay u xusaan sanad guuradda 5aad ee kasoo wareegtay duulaankii dalkaasi Ciraaq lagu qaaday.

Dibad-baxayaashu waxaa ay ku dhawaaqayeen ama ay codsanayeen in Ciidamada dalalkaasi jooga ay isaga baxaan Ciraaq iyo Afqaanistan iyo xuduuda qaza in dib loo furo.

Inkastoo dadka intooda badan ay ahaayeen Dadyowga dalkan u dhashay ee sida wayn u diidan duulaankii ciraaq hadana waxaa si wayn uga qaybgalay Jaaliyadaha Ciraaq, Afqaanistaan, Flastiin iyo Soomaali.

George Galloway oo kamid ah Mudanayaasha baarlamanka dalkan ayaa waxaa uu halkaasi uga hadlay dhibaatooyinka ay Maraykanka iyo Britain ku hayaan dalalka Ciraaq iyo Afqaanistaan iyo duulaanka lala damacsan yahay dalka iiraan.

Sakariye Xaaji Maxamuud oo kamid ah Isbahaysiga dib u xoraynta ee lagu soo dhisay Asmara ayaa kamid ahaa Dadkii Soomaalida ee aan goobta kula kulmay isagoo si wayn uga hadlay Bur burka ay Ciidanka Ethiopia iyo Maraykanku ka wadaan dalka Soomaaliya.

Peer Baroness oo ka tirsan Liberal Democrat ayaa isna kamid ahaa Mas’uuliyiinta sida wayn u qeexay in ay jireen waxyaabo la is daba mariyay ka hor dagaalka intii aan lagu qaadin ciraaq.

Ridwaan Haji Abdiwali
ridwanhaji@yahoo.com
London, UK

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*