26th April 2024  admin  Category :

Siyaasi walaalkiis uu kursiga u sii qabtay, ayaa Musharaxii la tartamayayna  uu tanaasulay

Musharixii kursiga golaha shacabka kula tartamayay Gen C/llaahi Gaafow Maxamuud.

Doorashada ka hor ayuu ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay inuu la tartamp Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Gaafow Maxamuud.

Xiireey Muxudiin Cumar, oo ahaa Musharaxa kaliya ee la tartamayay Gen Gaafow, ayaa sheegay in markuu qiimeeyay xaalado badan kadib uu ka tanaasulay inuu tartamo.

Xiireey, ayaa horey usoo noqday guddoomiyihii degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Inkastoo Xiireey uu sheegay inuu tanaasulay ayaa haddana guddiga doorashada waxay sheegeen in codadka la dhiibanayo, si doorasho ay kaga dhacdo magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Jen. Gaafow ayaa noqonaya Xildhibaan, isagoo bedelada walaalkiis C/qaadir Gaafow oo dhowaan kursigan ka tanaasulay, waxaana jiray inuu horay ugu soo baxay doorasho Muran dhalisay oo sanadkii 2016 ka dhacday Cadaado, balse horaantii sanadkii 2017 iyadoo ku celis ah lagu qabtay Muqdisho uu hadana dib ugu guuleystay

4th September 2018  admin  Category :

Boos celintu, waa caado ay  Soomaalidu dhaqan u leedahay. Marka guri ay dhisanayaan haddayna awoodin maalintaa  inay dhamaystiraan deyr ayeey ku wareejiyaan, marka ay safaf  ku jiraan oo damcaan inay yara kacaan,  waxay meesha sii dhigtaan shey lagu aqoonsado inay halkaas  qof ka kacay oo ku soo laabanayo.

Dhaqankii noocaas ahaa maanta wuxuu ka dhex jiraa siyaasdda Soomaaliya sida wax loo doorto ama haddaad  xil hayso oo ka baqayso in lagaa qaado inaad sii samaysato boos celin

Jen. C/llaahi Gaafow wuxuu ahaa  Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, maalintii la qaybsanayey xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, si uu Boos celis u samaysto haddii xilka laga qaado   wuxuu dalka Canada uga yeertay walaakii ka yar  C/qaadir Gaafow Maxamuud,  si uu uga mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Jeneraal Gaafoow, xilkii waa laga qaaday, walaalkiis ka yaraama maanta ayuu iska casilay xubinnimaddii Baarlamaanka Soomaaliya.

Maalmo ka dib Gaafoow wuxuu  noqonay Xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, walaalkiisna Canada ayuu ku soo laabanayaa.

Golaha lagu dhaarinayo Xildhibaanka cusub Generaal Gaafoow waxa laga qaadi doonaa heesta “Soomaaliyeey toosoo isku tiirsada

Allsanag

https://allsanaag.com/gaafoow-walaalkiis-oo-xildhibaan-loo-doortay/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*