29th April 2024  admin  Category :

26 june iyo kowda Luulyo waa maalmaha xoriyadda. Yaan wax laga bedeln

Words matter: Madaxweyne Xasan Culusoow, khudbbaddii uu xalay ka jeediyey caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho ee uu kaga hadlayey sanad guuraddii 62aad ee midnimada Soomaaliya , waxay ahayd mid xoojinaysa kuwa doonaya inay Soomaaliya kala gooyaan, oo ku dooda inay iyagu ahaayeen dal ka madax banaan oo ay ku darsadeen Soomaali inteeda kale. Waana beesha Isaaq oo qura.

Waxa madaxweynaha hadalkiisii ka mid ahaa: “26-ka Juun waxa ay taariikhda dalkeenna ku gashay in ay tahay maalinta ugu horreysay calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago ciid Soomaaliyeed. Maalinta dhabta ah ee la dhihi karo maalinta xoriyaddana waa maalintaas. 1-da July-na waa maalintii midnimada oo ay Labada qeybood ee Soomaaliyeed ee la qeybiyey ay sameeyeen Jamhuuriyadda Soomaaliya.”

62kii sano ee ina soo dhaaftay oo ka soo bilaabantay maaalintii calan la taagay ciid Soomaaliyeed ilaa 2021 Soomaalidu waxay isticmaali jireen ” Kowda Luulyo inay tahay maalintii Koonfurta Soomaaliya ay xornimadoodaa ka qaateen Gumaysihii talyaanniga, isla markaana midoobeen laaddii gobol ee Soomaaliya ee Ingiriiska iyo Talyaanigu kalagumaysan jireen.

Ugu danbayntii arintantani khatarteeda ayeey leedahay, waxayna noqon kartaa hub ay ku howl galaan kuwa doonaya inay Soomaaliya kala gooyaan, sidaas awgeed magaca loo bixinayo maalmaha xoriyadda waa in baarlamaanka Soomaaliya ka doodaa,

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*