26th July 2024  admin  Category :

Karaash Iyo Dhulbantaha Taageersanow Meesha U Baahan Fatta Dhugta Aynu la Aadno

Tan iyo markii uu Soo baxay khilaafka U dhexeeya madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Ku xigeenkiisa Axmed Karaash, waxaa jira dhalinyaro iyo dad badan oo ka soo Jeeda SSC oo aan la socon xaalada dalka oo si laab lakac ah ugu ololeenaya Karaash,

Axmed Karaash waxaa uu kamid ahaa 2012 Ragii Loo cimaamaday maamulkii Dhulbahante ee Barde Khaatumo Lagu dhisay,

Mudo ka yar hal sano ayuu Axmed karaash, isagoo Ah Madaxweynaha Khaatumo, waxaa uu Iska dhiibay Garoowe,isagoo Maamulkii dhamaa ee loo dhiibay ku badashay Wasiir Garowe ah,

Axmed Karaash maalintii uu Garoowe, Ka dagay ee u ka caraabay taleex Wariyaasha garoowe, waxay weydiiyen Axmed Karaashow Khaatumo ka waran “Khaatumo Anigay jeebka iigu jirta oo halkan ayaan la fadhiya mana jirto Khaatumo iga danbaysa”Ayuu yidhi.

Hadaan intaa kaga imaado waayaha Karaash Axmed Karaash iyo Dhulbahanta La qaxaya ee u badan dhalinyarada Facebook-ga Waxaa looga baahan yahay Tukaraq iyo Laascaanood inay kula dagaalaman oo Kula Diriirn Isaaqa hoganaya,

”Garoowe iyo Majeerten uma baahna Hadaan Run isku sheegno Dhulbahante Dalkiisi Cunay”

Sideebay Suuro Gal u tahay Nin Hal tuullo oo dhulkiisa kamid ah aysan Puntland Xukumin, oo Wax cashuur ah ka soo galin in uu dhaho waxaan is barbar taagaya nin dhulkiisa xor u yahay,

Dhulbahante Puntand wuxuu ku leeyahay 17 Xildhibaan ,Wasiiro Tiro Badan, Agaasimayaal, aan tiro lahayn Gudoomiyaal gobol, Madaxweyne, Ku xigeen intaas oo dhan Mushaarka ay qaatan waa cashuurta Garoowe Qardho Gaalkacayo Bosoaaso.

Ololaha Karaash iyo Fatta dhugta socota guul laga gaadhi maaye Aan isgaro dhulbahante oo meesha ubaahan Digdigta aynu la aadno.

Tusaale’Karaash Awood Ciidan weynu og nahay oo kuma joogo Garoowe kumana sii Haysan karo xilka hadi laga hor yimaado. Oo Awooda uu Garoowe ama kursiga ku haysan karo Tukaraq iyo laascaanood ayuu kaga saarilaha SNM,hal maalin xataa xabad ku muusan ridin sanadka iyo badh uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Karaash SNM,

Dhaqaalle uu Isku Difaacana Mahayo oo waa ninka maamulka Reerka kale ka ah Malxiiska ,

Ugu Danbayn waxaan leeyahay dagaal aad aragtaan guuldaradiisa maxaad iskaga xiijinaysan,

W/Q Cartan Darwiish

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*