29th March 2024  admin  Category :

Guddiyada Joogtada oo go’aamiyay xilliga uu furmayo Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka

Guddiyada Joogtada ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta ku shiray Xarunta Villa Hargeysa ayaa ka arrinsaday xilliga uu furmayo kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka, iyadoo kulanka looga dooday ajandayaasha hor-yaala kalfadhiga Baarlamaanka iyo waxyaabaha hortabenta u leh.

Kulankan oo ay shir guddoominayeen Guddoonka Labada Aqal ayaa warbixino looga dhageystay Guddoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada labada Aqal, waxaana la isku raacay in kalfadhiga Baarlamaanka 7aad uu furmo 6 bisha June ee soo socota.

Sidoo kale waxaa la go’aamiyay xilliga ay Baarlamaanka hor imaan doonto Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil (Xaliima Yarey) oo la filayo inay Baarlamaanka ka horjeediso warbixinta ku saabsan doorashada dalka, xilliga ay dhaceyso iyo nooca ay noqoneyso.

Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa loo yeeray inay Baarlamaanka ku hor-timaado 27 bisha June ee soo socota, si ay warbixinta doorashada dalka uga hor akhriso Golaha.

Waxaa markii horey lagu waday in Guddoomiye Xaliima Yarey inay Baarlamaanka hortagto 27 bishan May, hase ahaatee Baarlamaanka oo aan weli kulamadiisa furmin iyo arrimo farsamo ayaa keentay in muddo bil ah waqtiga loogu daro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*