26th April 2024  admin  Category :

“Axmed Karaash Isaaq Ayuu Keenaynaa Yoocadda Ma Noqon Karta wax Rag La iskaga Dhiciyo”

Waxaa wali cirka taagan Khilaafka Madaxweyne Deni iyo Ku xigeenkiisa kaaso meel qarar maraya maalmihii ugu danbeeyay,

Khilaafkan Isimada dhaqanka Puntland haday ahaan lahaayen Kuwa Majeerten iyo haday ahaan lahaayen kuwa Dhulbahante ee Garoowe jooga midna Waxba wey ka qaban kari waayen sababto ah madaxtooyada Deni ayaan u arag karaash mid leh wax samayn ah.

Dhanka kale Waxaa muuqda In Hada Axmed Karaash, ku sugan yahay xaalad adag oo Siyasadeed taaso ah in aysan jirin Hay’ad hada kamid ah xukumada Puntland oo uu amar siin karo sidoo kale waxaa laga xidhay Dhaqaalihi Waxaa saaran Culays kala duwan oo siyasadeed,

Deni iyo Kooxdiisu si caadi ah ayay shaqdoodda u watan umana arkan in uu wax kala maqan yahay Karaash sida cad oo aysan ilaa hada ka hadal khilaafkan dhanka kooxda deni taaso miijinasa in khilaafkan iyo culayskan yahay mid gubaya hal dhinac oo ah dhinaca ka hadlaya warbaahinta ee Karaash.

Karaash iyo Taageerayaasha Dhulbahante ee la safan waxay baraha bulshada ku soo yaaciyen Hadallo aad moodo inay tahay mid caqli darro meeshi ugu danbaysay ah taaso ay ugu hanjabayan Deni iyo Majeerten.

‘Karaash Hadii xoog looga qaado xilka waxaa uu ku biiraya Somaliland oo ciidanka SNM Ayuu gayn doona yoocadda oo ah Garoowe Dusheeda’ Ayay ku hadaqayaan Dhulbahane.

Su asha isweydiinta leh waxay tahay oo Yoocadda Ma Deni iyo Majeerten ayaa leh mise Dhulbahante?

Maxaase laga bartay Ragii Laascaanood dhiibay ee ka cadhooday puntland sida Axmed Xaabsade,

Axmed Cabdi xaabsade ayaa xiligii Cadde Muuse ka Ahaa Madaxweynaha puntland waxaa laga qaaday Xil taaso keentay in masiirkii Dhulbahante nin xil laga qaaday lagu baabiiyo oo dhulkii Isaaq loo dhiibo hada ogowno kii saas yeelay Isaaq waa soo eryeen hadana Garoowe ayuu jooga!!

Miyeysan caqli xumo tii ugu danbaysay ahayn in wali Dhulbahante si hadal hayo meeshi uu ku jabay ee laascaanood ku gacan gashay,

Sool Waa gobolka kaliye soomaaliya maanta ay haysato beel kale oo soomaaliyeed islamarkaana beeshi daganeed Ay ku tahay Adoomo la gumaysto oo Codkooda aysan xor u ahayn rabitaan aan ahayn ka isaaqna uusan ka socon karin Sool,

Ku Xumayn majeerten hadii Laascaanood isaaq loogu dhiibay Ma is weydiiyay Dhulbahante wuxuu ka Faa’iiday aan ahayn Sharaf darro.

Yoocadda hadii Karaash ciidan Isaaq geeyo iyo hadii kalaba Ha ogaado Dhulbahante in Yoocadu tahay Dhul Dhulbahante ee aysan ahayn Dhul Majeerten isaaqna uusan usocon Dhul Majeerten ee waxa loo socda tahay ee la soo afjaraya tahay Dhul SSC.

Ugu Danbayn waxaan leeyahay Rag iska dhicintu maaha inaad Adigu xiniiyaha is Jiido

W/Q Cartan Darwiish

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*