26th July 2024  admin  Category :

Jawaariyoow Adaa Jiitayoon Aqalkan Joogeyne.
Jeelka Loo Taxaabyoow Kolkaad Baydhabo U Jihato.
Xasan Khayre Suu Kuu Jirrabey Mari Jawaabteeda.
Baarlamaanku Jimic iima Gelin Tan Iyo Jeerkii Dheh.
Kuwii Jifideey Ahaana wax bey Igu Jaguugeen Dheh.
Ju’ Markaan Iraahdaba Codkay Igu Jikraareen Dheh.
Waxaa Maanta Ila Jira Shantii Juulle Oo Qudha Dheh.
Farmaajii Waa Iga Jirsaday Mana Jawaabeyn dheh.
Jawaanno Buuxoo Lacaga iyo Jeeg Wixii yaalley.
Laaluush jin-jiman Sannado Waxaan Jalamsadaaba Dheh.
Dheexaan ka Jiitee Afkey Iga Jifeeyeeeeen Dheh.
Mushahar Jow Ah mooyee Majiro Jeeb Galkii Hore Dheh.
Dadkii Idil Waygu Jeestoo Jaanis Ima Siin Dheh.
Jallaafooyinkaan Horay U dhigay Iyo Jabkaan Geystey Ruuxaygu.
Iyagoo Jumlo Ah Nabsigu Jeebka Ii Geli Dheh.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*