28th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ka Qayb Galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda PASAWEN ee Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 6 April 2018 ka qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Qardho ee caasimada Gobolka Kar-Kaar  Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda PASAWEN ee Puntland Allah hau naxariistee marxuun Eng. Abshir Muuse Saciid.

Aaska qaranka ee loo sameeyey maanta Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda PASAWEN ee Puntland ayaa waxaa madaxweynaha Dawladda Puntland ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi  Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha  Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, taliyaha ciidamada DPL, saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland, Isimo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Qardho.

Ugu horayn Madaxweyanha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyadeeyey shacabka reer Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda PASAWEN Allah ha’u naxariistee marxuun Eng. Abshir Muuse Saciid, iyadoona madaxweynuhu uu Illahay uga baryey in uu u naxariisto marxuumka denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo.

’’Ugu horeyn waxaan tacsi u dirayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacab weynaha Dawladda Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodeymarxuunku,  Eng. Abshir Muuse Saciid masuul Soomaaliyeed buu ahaa wuu naga wada geeriyoodey dhammaanteen Allah ha’u aqbalo wixii duco ahaa ee maanta xagaan looga duceeyey, Abshir wuxuu ahaa odey Puntland dad fara ku tirisa waxay tareen Puntland ayuu hormuud u ahaa, waxqabad kiisii shakhsiga ahaa iyo asagoo ka mid ahaa aasaasayaashii Dawladda Puntland, wax badan anagu uma qaban karno inaan u ducayno baan uun utari karnaa waana loo duceeyey, Allaah waxaan ka rajeyneynaa inuu u aqbalo maadaama uu xasuus gaara nagu lahaa, waxay Dawladda Puntland go’aansatay in loogu magacdaro garoonka diyaaradaha ee magaalada Qardho Eng. Abshir Muuse Saciid, kolay waxba u tarimayso waxaa uun weeye xasuus lagu xasuusanayo wax qabad kiisii iyo inuu ahaa bud dhigayaashii Dawladda Puntland, Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Marxuum Eng. Abshir Muuse Saciid ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii {SSDF} aasaasayaashii Dawladda Puntland  iyo Maareeyihii hore ee wakaaladii hore ee xooga korontada Soomaaliya {ENEE}, isagoona shaqooyin badan oo kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo u yimi magaalada Qardho aaskan qaran ee loo sameeyey maanta Eng. Abshir Muuse Saciid ayaa isla gelinka danbe ee maanata waxaa dib ugu laaban doonaa magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland.

 

                                

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*