29th March 2024  admin  Category :

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb. Francisco Madeira ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee Baarlamaanka iyo dhacdadii arbacadii la soo dhaafay ka dhacday Golaha Shacabka.

War saxaafadeedka ka soo baxay Wakiilka Midowga Afrika ayaa ka dambeeyay, markii Madaxtooyada Soomaaliya ay ashtako ka gudbisay hadal ka soo yeeray Taliyaha Ciidamada Uganda Jen. Paul Lokech, kaasoo ahaa inta laga xaqiijinayo jawi nabdoon ay AMISOM ammaanka xarunta Baarlamaanka la wareegeyso.

Hadaba waxaa halkan idinku soo koobaneynaa qoraal saxaafadeedkii ka soo baxay Amb. Madeira

1- Sida aad ogtihiin dhammaantiina, waxa aanu mareynaa xaalad siyaasadeed oo adag. Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo sidoo kale loo yaqaan Golaha Shacabka waxa uu xilligan u kala qeybsan yahay laba kooxood oo iska soo horjeeda.

2- Isheysadka wuxuu gaaray  Arbacadii hore heerkiisii ugu sarreeyay oo siyaasad iyo amni la xiriirta, taasi oo keentay in ciidanka AMISOM ay farageliyaan iyaga oo iskaashi la sameynayay ciidamada ammaanka Soomaaliya si xaaladda loo dejiyo.

3- Waxa aan ka helay farrriimo madaxdeyda sare ee Addis Ababa ku sugan, taasi oo la xiriirtay in AMISOM ay u xilsaaran tahay taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo sugo amniga xarumaha hey’adaha qaranka oo uu ku jiro Baarlamaanka.

Midowga Afrika iyo AMISOM waxay tixgelinayaan madax banaanida shacabka Soomaaliyeed, waxayna qirayaan xuquuqdooda iyo kalsoonida buuxa ee ay ku qabaan hoggaankooda si looga hortago caqabadaha oo ay ku jirto siyaasadda xilligan taaggan ee laba u kala qeybiyay Aqalka hoose.

Iyada oo taasi laga ambaqaadayo, AMISOM awood uma lahan inay amar dul dhigto shacabka Soomaaliyeed iyo run ahaantii Baarlamaanka oo la xiriira habka ay howshooda u qabsanayaan, AMISOM gacanta kuma heyn karto Golaha Shacabka waase haddii hey’adaha Soomaaliyeed ee ku shaqada leh ay codsadaan ayey ku dhaqaaqi kartaa. calaa kullli xaal annagu waxa aan ku jirnaa xaalad heegan ah, waxa aan diyaar u nahay in aan caawinno Soomaaliya , baarlamaanka ama meel kaleba ha noqotee.

Mahad Cawad oo Turjumaan noqday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*