26th April 2024  admin  Category :

Maamulka SNM, ayaa ka faa’iiday diidmaddii diyaaradaha Ayaxa oo hadda helay Gawaari Tikniko ah oo siday horay ugu samayn jireen deeqaha Caalamka Qoryo dagaal saari doona oo ku weerari doono degaanada ay beeshoodu degin, sida ay horay u samayn jireen

Maamulka SNM ayaa ka Faa’iiday Diidmadii ay dhawaan Diideen in Labo Diyaaradood oo Dawlada Somalia ka soo kireysateen dalka Canada, si Ayaxa loogula dagaalamo. Maamulka Somaliland ayaa sababta ay u diideen ay ahayd inay helaan Gawaari ay marka danbe qoryo saaraan

Hay adda FAO Ayaa Maamulka SNM ku wareejisay Lix Gaadiidka Cabdi Bilaha eh ee dagaalka loo isticmaallo kuwaaso la saaray Matoor yar oo loogu tallo galay in Lagu buufiyo Ayaxa.

Fa’iidadda ay Somaliland ka heshay Diidmada Diyaaradaha Fadaraalka ayaa ah inay ku heshay gaadiid Cusub oo ah nooca Dagaalka ee dheereeya kuwaaso ay u isticmaali doonto Dagaalka Gobolada Sool iyo Sanaag.

Dagaalkii Kalshaale, hubka ugu badan wuxuu saarnaa gawaari ay bulshada Caalmku ugu deeqeen arimo Bulsho Sida Caafimaadka deg deg ah,

Ugu danbayntii mar aan fogayn waad arki doontaan gawaaridan oo qoryo saaran yihiin oo Soomaali kale degaanadooda looga barakicinayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*