26th July 2024  admin  Category :

Madasha Xisbiyada Oo Eedeymo U Jeedisay Ciidanka Itoobiya Ee jooga Somaliya.

Qoraal ay wadajir u soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran, Xisbiga Wadajir, Isbabeysiga Xisbiyada Hiigsi iyo isbaheysiga isbeddel doonka 1-da luulyo ayaa lagu cambaareeyey Xad-gudubka Ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn AMISOM ay ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya.

Axsaabtan mucaaradka ah ayaa Ciidanka Itoobiya ku eedeeyay inay faragelin ku hayaan Arrimaha gudaha Somalia

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in Ciidanka Itoobiya loo adeegsaday doorashooyin ka dhacay qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada dalka, isla markaana shacabka Soomaaliyeed u geystaan dhibaatooyin kala duwan.

Waxaanu aad uga xunnahay dayuuradii dhawaan Ciidanka Itoobiya ku soo rideen agagaarka Garoonka dayuuradaha degmada Bardaale ee Gobolka Bay, taasoo ay ku geeriyoodeen dhamaan dadkii la socday oo gaarayey lix qof.

Isbaheysiga mucaaradka ayaa qoraalkooda waxay u direen labada Aqal ee Baarlamaanka dalka oo loogu loogu baaqay inay baaritaano ku sameeyaan Ciidanka Itoobiya ka jooga Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*