29th March 2024  admin  Category :

Isimadda Dhaqanka ee Dhulbahante  ayaa soo saaray warsaxaafadeed wadajir ah oo ay uga hadlayaan dagaalada iyo rabshadaha hubeysan ee kataagan gobaladaas, gaar ahaana kuwa ay ku hayaan maamulka SNM oo doonaya in ay xoog ku xukumaan gobaladaas, waxaana halkaas ka aloosan xiisadda dagaal.

Isimaddan waxay soo saareen warsaxaafadeed ay uga hadlayaan marxaladihii ugu dambeeyey oo ay uga hadlayaan arrimaha gobaladan, waxaana u qornaa Warsaxaafadeed.

Akhriso warsaxaafeedka

Khamiis June 14th, 2018

  1. Golaha Sare ee Dhaqanka Sool, Sanaag iyo Cayn
  2. Guurtida iyo Waxgaradka Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn

Si loosoo afjaro cadaadiska, cagajuglaynta, barakaca iyo dilalka loo gaysto Shacabka ku nool gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxa ay saxiixayaasha hoos ku xusan:

  1. Caddaynayaan in dhibaattada ugu badan ee ka dhalata dagaallada ka socda deegaannadda Sool, Sanaag iyo Cayn ay ku dhacayso dadka ku nool deegaannadaas oo dil, dhaawac iyo barakac isugu darsamaan mar kasta oo dagaallo dhacaan.
  2. Ugu baaqayaan Guddiyada Gurmadaka ee Dawladda Federalka ee Somalia, Hayadaha khayriga ah iyo Beesha caalamkaba in dadkaa tabaalysan ee dagalaka Tukaraq barakiciy ay la gaadhaan gurmad degdeg ah o wax ku ool ah.
  3. Kula talinaynaa maamulka Waqooyi Galbeed uu joojiyo isku dayga uu rabo inuu xoog iyo qori caarradii kaga taliyo deegaannada SSC, dadka diidda ee ka mudaharaaday tacadigaa kusocdana laga daayo xabbadda iyo xadhigga loo gaysto.
  4. Caddaynayaan in sheegashada maamulka Waqooyi Galbeed Gobollada SSC aanu ku salysnayn sharci iyo taarikh run ah midna.
  5. Qirayaan in aanay beeli xoog iyo qori caaraddiis ugu talin Karin beel kale.
  6. Cod dheer ku sheegayaan in bulshada ku nool degaamada SSC ayan ogolayn marnababa aqbalayn, kala goynta dalka Somaaliyeed iyagoo horena naf iyo maalba ugu hureen  xorayntiisa iyo ilaalinta midnimadiisa .
  7. Soo dhawaynayaan, si buuxdana u tageeraynaa doorka weyn ee ay dawlad goboleeka somaaliyeed ee Puntlaand ku ilaalinayso midnimada Somaaliyeed kuna taaageerayso dadka ku nool gobolada SSC si ay uga baxaan tacadiga lagu hayo ulana soo noqon lahayeen sharaftooda iyo karaamadooda rabaaniga ah.
  8. Ugu baaqaynaa hogaanka dawlada Federaalka Somaalia ay ilaaliyaan xuquqda ka maqan shacabk SSC, oo ay tageeraan kana shaqeeyaan sida gobolada SSC ay aayohooda uga tashan lahaayeen sida gobolada kale ee Somaalia.
  9. La socodsiinaynaa beesha caalmaka iyo inta nabadda danaynaysa in sida keliya ee xal waara loogu heli karo dagaalka tukaraq iyo deegaannada SSC in Gobollada SSC ay taloodada u madax bnaanaadaan sida degaamada la mid ah ee Somaalia.
  10. Ku talinaynaa in taladu ka go’da oo si buuxda loola tashadaa Golaha Sare ee Dhaqanka, waxgaradka iyo bulshawaynta SSC; si xal waara loogu helo dagaalada kusoo noqnoqnaya degaamada SSC.
  11. Ku boorinaynaa ummada Somaliyeed meel kasta oo ay joogto ay ku wada nolaato nabad gelyo, is qaddarin, isdhex gal iyo deris wanaag.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*