7th May 2024  admin  Category :

Maxay ahaayeen Hadaladdii ugu yaabka badnaa ee ay ka yiraahdeen Odayaashii reer Maakhir markii ay la kulmayeen Siyaasiyiinta iyo Isimada Dirta waqooyi ee degta galbeedka Soomaaliya oo ay kaga dhuumanayeen  abaarta ka jirta gobolka Sanaag.

1-  Odayaashii ka tegay Maakhir, markii ay Isimada Cimran ee Habar jeclo kula kulmeen Caynabo waxay ku  yiraahdeen “Caynabo iyo Dhahar waa isugu kaaya mid. Maalmo ka hor hadalkaas maleeshiyaad ay ka mid ahaayeen  beesha Cimraan ayaa xoog ku soo galay degaano  ka mid ah Maakhir.

2- Odayaasha Reer Maakhir markii ay Hargaysa kula kulmeen Isimda beesha   Ciise,  waxay  halkaa ka sheegeen in beesha Ciise dhaqan fiican leedahay  oo ay ka codsanayaan inay dhaqanka baraan work shopna u sameeyaan, haddii ay yihiin Isimada ka yimid Maakhir

3- Odayaasha reer Maakhir ee abaarta kaga dhuumanya galbeedka Soomaaliya markii ay gaareen magaalada Boorame oo halkaa qado ugu sameeyeen beesha Gudabiirsay, waxay xafladii ka sheegeen in Saldanada ugu facda weyn geeska Afrika ay tahay Adal Saldanate.

4- Oayaasha Maakhir ka tegay markii Isimada iyo madaxda SNM kula kulmeen Hargaysa, waxay u sheegeen inay xadka soo xirayaan

Ugu danbayntii, Saldanada ugu facda weyn  Soomaaliya waa tan gobolka sanaag, Odayaasha ka tegay gobolka Sanaag ee bariiska bislaysanaya taariikh cusub ma samayn karaan , ciddii u soo meerisayna been ayeey isu sheegeen. Sidoo kale Odayaasha ka tegay  Maakhir ee sheegay  inay xad soo xirayaan, waxay nasiib leeyihiin haddii ay arintaas ku raacaan xaafidihii ay horay  uga  tageen . Odayaasha ka tegay Maakhir marna ma oran beelo ka mid beesha Warsangeli ayaanu  Isimo u nahay intay joogeen galbeedka, sidaas awged qof kasta oo Reernimo uga difaacaya khaladkooda waxay ahayd inay maalintaas saxaan oo yiraahdaan ku hadal afka “Reerkeena”

ALLSANAAG.COM

 

 

 

 

 

 

 

++-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*