26th July 2024  admin  Category :

Muqdisho oo xarun u noqonaysa Isbahaysi mucaarad ku ah Madaxweynaha Jubbaland

Isbaheysi mucaarad ku ah Maamulka Axmed Madoobe ayaa looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, Isbaheysigan ayaa la magac baxay Dib u soo nooleynta Dimoqraadiyadda Jubbaland, waxaa horboodaya C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo horay u soo noqday Wasiirkii Warfaafinta Xukuumaddii hore.
Kulan loogaga dhowaaqayay isbahaysigan ayaa waxaa ka dhex muuqday siyaasiyiin ka soo jeeda Jubbaland kuwaasoo ku eedeeyay madaxweynaha Jubbaland inuusan ka shaqeyneyn horumarka dowlad goboleedkaas.

Ku dhowaaqista isbahaysigan ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii warbaahinta uu ka soo muuqday Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe oo uu dhinac taagan yahay Cabdikariin Qalbidhagax

Isbahaysigan Mucaaradka ku ah madaxeynaha Jubbland ayaa intooda badani waxay ka tirsan yihiin kooxdii Doonyaha iyo diyaaradaha ugu soo raaci jirtay Kismaayo si aan loo dhisin maamulka Jubbaland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*