
20th May 2026 admin Category :
Iran oo sheegtay, Marinka Hormuz ‘wuxuu gabi ahaanba u furan yahay’ maraakiibta ganacsiga inta ka hartay xabad joojinta
Wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Araqchi Araghchi ayaa sheegay in Iran ay si buuxda dib u furi doontaa marin biyoodka Hormuz inta ka hartay wakhtiga xabad joojinta.
Qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay baraha bulshada ayuu ku sheegay:“Waxaa ka mid ahaa qaabka dhismeedka xabbad-joojinta Lubnaan, in maraakiibta ganacsi ee marin biyoodka Hormuz si buuxda loo furay inta ka harsan muddada xabbad-joojinta.”
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa intaas ku daray: “Marinkan waxaa lagu mari doonaa iyada oo la raacayo qaab ay isku dubbariday oo horay u shaacisay Hay’adda Dekedaha iyo Maraakiibta ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”







