27th July 2024  admin  Category :

Qooysas ka badan boqollaal, oo deggenaa xaafad ka mid ah magaalada Hargeeysa waqti aad u dheer, ayaa la doonayaa in dhulkooda lagu habsado. Qooysaskan ayaa sheegay in ninka maanta dhulka la siiyey uu joogay Hargeeysa, welligiisna uusan sheegan dhulkaa, laakiin uu la sugayey inta Muuse Biixi uu madaxweeynaha maamul goboleedka Hargeeysa uu noqonayo si dhulka xoog ay uga qaataan dadka shacabka ah.

Shacabka deggan goboladaas ayaa ah kuwo cabanaya habeen iyo maalin, waxeeyna u darsadeen dawladdii Kacaanka ee uu madaxaweeynaha ka ahaa allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre. Siyaasiyiinta Hargeeysa waxeey soo kordhiyeen oo kalliya boobka hantida iyo been aan dhamaaneen oo ah ineey yihiin dawlad madaxbannaan taas oo la mid ah Shiinaha iyo Ruushka, balse waxaa wax lagu farxa ah in shacabka ay waqtigan soo fahmayaan beenta cireeysatay oo ay wadaan siyaasiyiinta Hargeeysa.

https://youtu.be/zIM_fDBbVxk

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*