26th July 2024  admin  Category :

Gudoomiyaha Tabarucaadka bulshada Ee Ururka Gobolada SBH Hooyo Xaawo Halgan oo gacan iyo tageero ka heleysa dhalinyarada iyo aqoonyahnada gobolada Sanaag’Bari iyo Haylnd ayaa Fulisay Mashruuc balaadhan oo lugu iftiiminayo Bilicda iyo dhiraynta 8 Degmo oo ka mida goboladaasi.


Magaalo walba waxaa lugu beerayaa 100 geed oo guryaha iyo Shaaracyada la rabo inay ka muuqdaan dhirta cagaadhan’Waxaana mushruucani uu ka soo baxay shirweynihii Dhalinyarada SBH Ee dhowaan ka dhacay Degmada Xingalool Ee Gobolka Sanaag.
Mashruucan Waxaa Gacan weyn ka geystey Will dhaliyaro ah oo 20jiri oo lugu Magcaabo Axmed Cabdi Welina aan Dalka Iman balse’Markii uu arkay Dhalinyarada midowdey iyo Is xilqaamasha danaha bulshada uu noqday shaqsigii 1 Aad Ee kumanaan Doller oo jeebkiisa uu ugu deeqo bulshadiisa iyo Sidii Bilicda muujinlahaa.
Arrintan ayaa Gudoomiye Xaawo Halgan ku macneysay Iftiinka guusha waxaana ay Amaan iyo dhiirigelin u jeedisay Urrurada Is xilqaamayaasha midoobay Ee dhalinyarada goboladaasi’Iyadoo Odayaasha iyo Maamulka Dowlada ka codsatay dhalinyarada dedalaysa in la Garab istaago Fursad la siiyo si loo gaadho horumar waara iyo Wadda shaqayn buuxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*