26th July 2024  admin  Category :

Diyaarad siday deeq caafimaad oo Imaaraadka Carabta u dirtay Hargaysa

Waxaa saaka garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka soo degtay Diyaarad siday gargaar degdeg ah oo caafimaad oo Maamulka HARGAYSA ugu deeqday dowladda isu tagga Imaaraadka Carabta.

Diyaaraddan ayaa siday agab caafimaad loogu tala galay ka hortagga cudurka Coronavirus, waana deeqdii u horeysay caafimaad oo Somaliland uga dibadda dal dibadiisa ah, tan iyo markii todobaadkii hore ay dowladda Soomaaliya ka dejisay Hargeysa qeyb ka mid ah qalab caafimaad oo dalalka deriska ugu deeqay Ganacsadaha caanka ah ee u dhashay dalka Shiinaha Jack Ma.

Agabka caafimaadka ee Imaaraadka Carabta ugu deeqday Hargaysa ayaa isugu jira maaskaraha afka lagu xirto, gacma gashiga loo yaqaano Gloves, dharka ay xirtaan ee difaaca ah ee loogu tala galay shaqaalaha daryeelka caafimaadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*