28th May 2022  admin  Category :

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Illaah ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Ismaaciil Xuseen (Xudaydi) oo ku geeriyoodey dalka Ingiriiska.

” Waxaan si gaara ugu tacsiyadaynayaa qoyskii iyo eheladii uu ka tegey Allaah u naxariistee Adeer Xudaydi, sidoo kalena waxaan Illaah uga baryayaa marxuumka inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Wakiillada DPL.

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa hadalkiisa ku sii daray ” Adeer Xudaydi waxuu ahaa Abwaan Soomaaliyeed oo kaalin weyn kasoo qaatay suugaanta, hidaha, dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed.

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*