26th July 2024  admin  Category :

Taliye Cumar Faraweyne,”Hubka Laysku Laynayo Dhummay Waxaa Laga Rararay Taliska SNM”

Deegaanka Dhummay ee koonfurta magaalada Laascaanood waxaa shalay dib uga bilowday dagaal culus oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona aysan weli muuqan tallaabooyin aan baaq ka ahayn oo dagaalkaasi lagu joojinayo.

Dagaalka u dhexeeya labada malayshiya beeleed waxaa la sheegay inay ku hoos jiraan dano siyaasadeed oo ku aadan xaaladda gobolka Sool oo ay ku hardamayaan maamulada Puntland iyo Somaliland oo ciidankoodu isku horfadhiyaan gobolka Sool.

Taliyaha guud ee ciidamada kaydka Puntland General Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Garoowe ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Somaliland ay qayb ka yihiin dagalka isla markaana ay saanadda lagu dagaalamayo laga raray duleedka Tukaraq.

Faraweyne ayaa sheegay inay hayaan xogta iyo caddaymaha la xiriira tirada hubka iyo saanadda ciidamada Somaliland ay u gudbiyeen dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Dhummay oo uu sheegay in saacadihii ugu dambeeyey laga daabulay inta u dhexaysa Tukaraq iyo Laascaanood.

https://youtu.be/G2ZWQqUlCPE

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*