26th April 2024  admin  Category :

Gabarar Ugaandhiis oo ka mid ah dadka shaqaysta Sacudiga kuna sii jeeday dalkeeda ayaa fooshii qabsatay

Dr. Aisha Khatib, oo ah macalin jaamacadeed oo caafimaadka ka dhigta University of Toronto, ayaa markii diyaaraddii Qatar Airways ee ay ka raacday Doha oo ku sii jeeday Entabbe, waxay maqashay iyada oo la leeyahay diyaradda dhakhtar ma saaran yahay

Dakhtaraddu markii ay u soo dhaqaaqday dhinacii kursi lagu xoonsanaa, oo ay u malaynaysay in arin khatar ahi jirto sida qof wadnahu istagay ,ayaa indhaheedu axay qabteen qof Dumar ah oo Muraaydda daaqada cagaha u sii jeedisay kursigana madaxa saartay.

Waa hooyo ku jirtay todobakii 35aad ee uurkeeda oo fooli hayso.

Markiiba waxay ku dhaqaaday inay ka umiliso, waxaana gacan ku siiyey oo diyaaradda la saarnaa Kalkaaliso ah oncology( baratay ka hortaga daawaynta Kansarka) iyo Dhakhtar ah kuwa caruurta ( paediatrician), kana socday Doctors Without Borders (MSF). Markii Dhakhyaraddi dhabta u sartay hooyaddii oo u hanbalyeesay, waxa is qabsaday sacab dakii diyaaradda saarnaa.

Ilmihii dhashay ayaa waxa loo bixiyey Mucjisadii Caasho  Miracle Aisha

Dhkhtaraddii Caasho, ayaa iyana Katiinad Dahab ah oo qoorta ugu xirnayd oo magaceeda oo af Carabi ah ku qornaa siisay Umusha, magacaas loogu magac Daray awgiis

Image

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*