Tacsi: Maxamuud Cal Ciid ( Dabagaale )

Bahda Allsanaag waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Booliiskii hore ee Soomaaliyeed, Qoyska reer Cali Ciid, qoyska reer Garaad Maxamuud Cali Shire, qoyska reer Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Garaad Cabdulaahi Cali Ciid, eheladdii, asxaabtii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Gaashaanle sare Maxamuud Cal Ciid ( Dabagaale ) oo ku geeriyooday Minneapolis ee dalka maraykanka

Marxuum Maxamuud Cal Ciid ( Dabagaale    , waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana   midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii UU  ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah  ka siiyo, Aammiin, Aammiin.

Allsanaag.com

Qabiilkaygii hore waa bedelay

Cabdiraxmaan Macalin Cali, wuxuu ahaa ninkii ku faanayey in Jubbaland ay joogaan “wiilala Indho guduudan oo Hawiye ah oo aan marna ogolaan doonin in Daaroodku Jubbland ka taliyaan.”

Cabdiraxmaan Macalin maalintaa waxay isku beel ahaayeen Daahir Jeesoow, waxayna ku wada abtirsan jireen besha Gaaljecel . Maanta dhalashadiisii hore waa bedelay oo waxa uu ku biiray beesha Habar yoonis ee Isaaq oo iyaguna Soomaalinamada u diiday beesha Daarood

Dhalinyaro lagu dilay Boosaaso

Labo wiil ayaa booliiski ku dileen magaalada Boosaaso caawa

Alle ha unaxariiste labo ka Mid ah Dhalinyarada degmada boosaaso ee Gobolka Bari oo kala ahaa Cabdulahi Maxamed Xasan Kilwe iyo Sharma’arke Yaxye Siciid ayaa caawa ku geeriyooday Dagaal xaafadeed ku dhex maray Magaaladaasi dhalinyaro is maan dhaaftay oo xaafad xaafad isu dagaalaysay.

Ciidamada Ammmaanka ayaa rasaas nool u adeegsaday, kala caydhinta dhallinyarada , sidasna waxa ku dhintay labadan dhalinyarada ah.

Qoys Hindi ah oo ka cabanaya Guur Soomaaliyeed

Qoys Hindi ah oo dawladda Hindiya ka codsaday in gabadhooda Mudug looga soo celiyo.

Qoyska dhalay qof dumar ah oo ka soo jeeda Hyderabaad, Hindiya ayaa dawladd Hindiya ka codsaday inay ka caawiyaan in dib loogu soo celiyo gabadhooda oo hadda ku sugan Soomaaliya, ka dib markii sida ay sheegeen uu silciyey ninkeedii, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya.

Sida uu sheegay Sheikh Hyder Ali, aabaha gabadha dhalay, Raheem Unnisa, ninka qabadhiisa qaba oo Soomaali ah laguna magcaabo cumar ayaa waxa uu ku noolaa isaga iyo afartiisa caruur ah Haydarabaad muddo tobon sano ah inaatanay u guurin Goldogob.

” Gabdhayda Raheem Unnisa waxay guursatay Soomaali, Cumae D., sanadkii 2008 markii uu jaamacadda dhiganayey . Guurkooda ka dib , waxay ku noolaayeen haydarabaad 10 sano waxayna iska dhaleen afar caruur ah.

Bishii april 2017, gabdhaydii iyo afartii caruur ahaa ayuu u kaxaystay Soomaaliya, halkaas oo cunag kale ugu dhashay. Markii qoysku u guureen Soomaaliya, Cumar waa ka min yareeyey oo waxa uu guursady gabadh kale isla markaana waxa uu ku bilaabay gabadhayda tacadi iyo tumid la garaaco.

” Gabadhayda, iyo caruurteedi oo shan ah, waxa looga tegay guri qadiim ah oo ku yaal Degmada Galdogob ee waqooyiga gobolka Mudug,

Wiilkaan soddoga u ahaa Minyaradiisii iyo caruurtii ay iska dhaleen waxay ku nool yihiin Muqdisho.

Gabdhayda ma siiyo masruufkii maalin laha ahaa, waxa laga cuna qabateeyey cunto ay jidiinka mariso iyo gogol fiican oo ay ku seexato, Gabadhayda mar kasta oo aan wacno waa ilmaynaysaa oo waxay leedahay dib ii soo celiya. ILmihii Soomaaliya ugu dhashay ma haysto Baasaboor.

” waxaan ka codsaday dawladda Hindiya inay u gurmadaan gabadhayda iyo caruurteeda

ALLSANAAG.COM



Dagaalka dhaqaalaha ee Puntland.

Maamulka Gobolka Karkaar oo gacanta ku dhigay lacag ku dhaw 1 Bilyan oo Shilin Soomaali 

Maamulka Gobolka Karkaar ayaa gacanta ku dhigay lacag ku dhaw 1 Bilyan oo Shilin Soomaali ah, oo loo wadday Magaaladda Boosaaso .Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ee Gobalka Karkaar ayaa gacanta ku dhigay Gaari siday Lacag gaaraysa 1 Bilyan oo Shilin Soomaaliya, taas oo la doonayay in la galiyo Suuqyada magaalada Boosaaso si loo abuuro jahwareer dhaqaale (Sicir-barar) oo Puntland ka dhaca. Maamulka

Maxaa Cusub Maanta?

Laascaanood: Shil ka dhacay meel u jirta 10 km magaalada Laascaanood, ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca qof kalle. Dadka saarnaa seddexda gaari ee isku dhacay oo yaraa darteed, ayaa sababtay in waxyeeladu ay yaraato.

Hargeeysa: Bal ka waran hadii maamulka Hargeeysa kuwii u dhashay ay leeyihiin saxaafadda xor ma’ahan oo waa la caburiyaa? Balse ka waran hadii kii aan u dhalan maamulka Hargeeysa uu been ka sheegay waaqica ka jira halkaas, isagoo iska iibinaya madaxweeynaha deegaankaas? Hoos ka daawo sida ay wax u dhaceeyn.

Boosaaso: Soomaali badan oo ku nool qurbaha ayaa aad ay u yartahay ineey hellaan kalluun ay ka dhergaan maadaama uu qiimuhu yahay mid aad qaali ah.  Hadaba, hadii aad qorsheeneeyso  inaad u safarto dalkii hooyo xilliga Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ay noqonayaan xilliga barafka, Boosaaso waxeey idiin heeysaa kalluun qiimihiisu jabah yahay oo aan la mid aheen kuwa qaaliga ah ee lagu gadayo dukaamada Tesco, Edeka, Willys, the Kroger iyo Walmart. Fadlan muuqaalka hoose kaga boggo kalluunka lagu iibinayo suuqyada Boosaaso.

Wasiir Iyo Agaasime Shaqo Joojin Lagu Sameeyay

Labo wasiir oo wasaaraddoodii ku dagaalamay oo shaqadii laga joojiyey

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Puntland  Axmed Karaash ayaa shaqo ka joojin ku sameeyey Wasiirka Kalluumaysiga Maamulkaasi Puntland  Maxamuud Xaaji iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Cabdirasaaq Jaamac.

Hoos ka aqriso Warqadda shaqa joojinta

ShareFacebookTwitterGoogle+ReddItPinterest

 PREV POST