Ciyaarihii Beelaha Hargaysa

Adna Aadan oo so xirtay ciyaarihii beelaha Isaaq ku dhex marayey Hargaysa.

Adna Aadan oo Madaxa Ictiraf doonka in beelaha Isaaq ay helaan gobol ay gaar u leeyihiin oo la yiraahdo ” SOMALILAND”, ayaa soo xirtay ciyaarihii beshooda ku dhex marayey magaalada Hargaysa ee gobolka Waqooyi galbeed.

Ciyaarahan ayaa ugu danbayntii ku wada tartamay beelha Garxejis iyo Arab, inkastoo ilaa hadda beeluhu ku muran san yihiin ciddi guulaystay

Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2021 taasi oo dhan $341,861,037

Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2021 taasi oo dhan $341,861,037

Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa lagu ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2021 taasi oo dhan $341,861,037.

Miisaaniyadda ayaa waxaa ka muuqda koror dhinaca dakhliga gudaha ah oo kordhay 5%, Golaha Wasiirada ayaa dood ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey iyadoo lagu amaanay Wasaaradda Maaliyadda hufnaanta maaliyadeed iyo tashiilka oo sabab u ah in horumar laga gaaro arrimaha maaliyadda, xili uu adduunka oo dhan saameeyay Covid19.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku howlan hirgelinta qorshaha khasnada mideysan oo loo mudeeyay inay howlgasho sanadka 2021, waxayna taasi qeyb ka tahay horumarinta hab maamulka maaliyadda

Tacsi: Maxamuud Cal Ciid ( Dabagaale )

Bahda Allsanaag waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Booliiskii hore ee Soomaaliyeed, Qoyska reer Cali Ciid, qoyska reer Garaad Maxamuud Cali Shire, qoyska reer Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Garaad Cabdulaahi Cali Ciid, eheladdii, asxaabtii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Gaashaanle sare Maxamuud Cal Ciid ( Dabagaale ) oo ku geeriyooday Minneapolis ee dalka maraykanka

Marxuum Maxamuud Cal Ciid ( Dabagaale    , waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana   midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii UU  ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah  ka siiyo, Aammiin, Aammiin.

Allsanaag.com

Qabiilkaygii hore waa bedelay

Cabdiraxmaan Macalin Cali, wuxuu ahaa ninkii ku faanayey in Jubbaland ay joogaan “wiilala Indho guduudan oo Hawiye ah oo aan marna ogolaan doonin in Daaroodku Jubbland ka taliyaan.”

Cabdiraxmaan Macalin maalintaa waxay isku beel ahaayeen Daahir Jeesoow, waxayna ku wada abtirsan jireen besha Gaaljecel . Maanta dhalashadiisii hore waa bedelay oo waxa uu ku biiray beesha Habar yoonis ee Isaaq oo iyaguna Soomaalinamada u diiday beesha Daarood

Dhalinyaro lagu dilay Boosaaso

Labo wiil ayaa booliiski ku dileen magaalada Boosaaso caawa

Alle ha unaxariiste labo ka Mid ah Dhalinyarada degmada boosaaso ee Gobolka Bari oo kala ahaa Cabdulahi Maxamed Xasan Kilwe iyo Sharma’arke Yaxye Siciid ayaa caawa ku geeriyooday Dagaal xaafadeed ku dhex maray Magaaladaasi dhalinyaro is maan dhaaftay oo xaafad xaafad isu dagaalaysay.

Ciidamada Ammmaanka ayaa rasaas nool u adeegsaday, kala caydhinta dhallinyarada , sidasna waxa ku dhintay labadan dhalinyarada ah.

Qoys Hindi ah oo ka cabanaya Guur Soomaaliyeed

Qoys Hindi ah oo dawladda Hindiya ka codsaday in gabadhooda Mudug looga soo celiyo.

Qoyska dhalay qof dumar ah oo ka soo jeeda Hyderabaad, Hindiya ayaa dawladd Hindiya ka codsaday inay ka caawiyaan in dib loogu soo celiyo gabadhooda oo hadda ku sugan Soomaaliya, ka dib markii sida ay sheegeen uu silciyey ninkeedii, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya.

Sida uu sheegay Sheikh Hyder Ali, aabaha gabadha dhalay, Raheem Unnisa, ninka qabadhiisa qaba oo Soomaali ah laguna magcaabo cumar ayaa waxa uu ku noolaa isaga iyo afartiisa caruur ah Haydarabaad muddo tobon sano ah inaatanay u guurin Goldogob.

” Gabdhayda Raheem Unnisa waxay guursatay Soomaali, Cumae D., sanadkii 2008 markii uu jaamacadda dhiganayey . Guurkooda ka dib , waxay ku noolaayeen haydarabaad 10 sano waxayna iska dhaleen afar caruur ah.

Bishii april 2017, gabdhaydii iyo afartii caruur ahaa ayuu u kaxaystay Soomaaliya, halkaas oo cunag kale ugu dhashay. Markii qoysku u guureen Soomaaliya, Cumar waa ka min yareeyey oo waxa uu guursady gabadh kale isla markaana waxa uu ku bilaabay gabadhayda tacadi iyo tumid la garaaco.

” Gabadhayda, iyo caruurteedi oo shan ah, waxa looga tegay guri qadiim ah oo ku yaal Degmada Galdogob ee waqooyiga gobolka Mudug,

Wiilkaan soddoga u ahaa Minyaradiisii iyo caruurtii ay iska dhaleen waxay ku nool yihiin Muqdisho.

Gabdhayda ma siiyo masruufkii maalin laha ahaa, waxa laga cuna qabateeyey cunto ay jidiinka mariso iyo gogol fiican oo ay ku seexato, Gabadhayda mar kasta oo aan wacno waa ilmaynaysaa oo waxay leedahay dib ii soo celiya. ILmihii Soomaaliya ugu dhashay ma haysto Baasaboor.

” waxaan ka codsaday dawladda Hindiya inay u gurmadaan gabadhayda iyo caruurteeda

ALLSANAAG.COM