Farmaajo oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay ayaa gaaray gelinkii dambe ee maantamagaalada Dhuusmareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaraha Caasimadda Galmudug ee Ugaas Nuur.

Socdaalka Madaxweynaha JFS mudane Farmaajo ayaa la xiriira qabsoomida shirkii u dhawaan ku baaqay ee dhexmari doona Madaxda DFS iyo DX ah, shirkaas oo ay marti gelineyso Dowladda iyo shacabka Galmudug.

Waxaa hore u gaaray Dhuusamareeb Madaxda maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed iyo Ra’iisul wasaare Rooble waxaana berri tagi doona Madaxda Jubbaland iyo

2000 oo Askari oo Badhan joogaa maxay qabtaan?

Waa maxay sababta 2000 kun ee Askari ee ka mushahaar qaata Puntland ay wax uga qaban waayeey Wiilasha ay SNM?

Bulshada gobolka Sanaag ayaa aad u soo dhoweeyey markii maamulka Puntland uu gobolkooda ka bilaabay tababar ciidan, una dhisay xero ciidan.

Bulshada gobolka Sanaag ayaa niyadda ku hayey in ciidankaasi noqon doono kuwa la dagaalama kana saari doona argagixisada arxaan laawayaasha ah ee Alshabaab buuraha Calmadow .

Sidoo kale bulshada gobolka Sanaag ayaa rajaynayey in ciidankan loo tabarayaa marka ay dhamaystaan tababarkooda inay la socon doonaan dhaq dhaqaqa maleeshiyaadka SNM, oo ah kuwa soo geliya argagixisada buuraha Cal madow.

Maanta rajaddii Bulshada degmada Badhameed ka qabeen ciidanka waxay noqotay mid quus ah , sababtoo ah koox laga soo diray maamulka Hargaysa oo la sheegay inuu madax u yahay nin lagu magcaabo Maxamuud Xaamud Cumar ,ayaa qas iyo fawdo ka wada magaaladaas.

Maalmo ka hor, kooxdan lagu soo dhex tuuray degmada oo laga harsan la’yahay ayaa xabadeeyey guri ku yaal degmada Badhan, sida ay ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen, intii ay falka argagixisnimada ah ay ku dhex jireen ayaa waxa ka dhacay telefoon ay wateen, waxaana gacanta ku dhigay telefoonkaas laamaha amniga ee degmada Badhan. Waa la ogaaday cidda leh oo waxa yeeshay Kooxdan Hargaysa laga soo diray ee loogu talo galay inay maqaalada qasaan.

Ugu danbayntii waa wax aan la qaadn karin iyada oo magaalada labo kun oo ciidanka Puntland ah ay joogaan in Bulshaddii ku noolayd degmada Badhan ay cabsi habeen walba ku seexdaan ama Dhufayso ka dhex samaystaan Guryahooda dexdoodaa. Nimanka magaalada sidaa u qasayaana ay yihiin tiro aad u yar oo saacdo yar xabsiga la wada dhgi karo.

Amini xumadan waxa kale oo sii xoojiyey Isimaddii degmada oo sida Isimada kale ee degaanada Soomaaliyeed ka hadli lahaa amni xumadan iyo alshababka dul jooga magaaladooda, ayaa shaqadoodii waxay noqotay sidii ay Xildhibaan uga ganacsan lahaayeen iyo jidka Hargaysa iyo Garowe in la sii hayo oo la ilaawo Bulshaddii ay sheeganayeen inay Isimo u yihiin.

Allsanaag.com

Ciidamada Amniga oo soo afjaray weerarkii maleeshiyada Al-Shabaab

Ciidamada Amniga oo soo afjaray weerarkii maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Afrik

Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa goor dhow soo afjaray weerarkii ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Afrik, kadib sagaal saac oo uu dagaal ka dhex socday hotelka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in inta la xaqiijiyay ay hotelka ku dhinteen 7 qof oo ay ka mid yihiin General Maxamed Nuur Galaal oo ku jiray hoteelka, iyo nin lagu magacaabi jiray Cabdullahi Nuure Siyaad oo ay walaalo ahaayeen siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal). Waxaa sidoo kale ku dhintay askar iyo dad shacab ah.

Dhaawaca ayaa lagu warramay inuu ka badan yahay 10 qof, inta la og yahay illaa hadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay in ciidamadda ammaanka ay ugu dambayn toogteen dhammaan maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, oo gaarayey illaa afar.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay in dhimashada iyo dhaawacuba uu kordhi karo, balse inta la xaqiijiyay ay hadda tahay tiradaasi.

Weerarkan ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka hore ee hotelka, waxaana xigay dabley hubeysan oo gudaha u galay hotelkaasi, kuwaa oo sideed saacadood ka dhex dagaalamayay.

Saraakiil iyo odayaal ka tirsan beesha Ceyr ee Habargidir ayaa markii uu weerarka dhacayey halkaas ku lahaa shir ay uga arrinsanayeen kiiska guddoomiyihii dhawaan la dilay ee degmada Hodan Allaha u naxariistee Cabdixakiin Dhegajuun.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka abaabulan ee lagu ekeeyay Hotel Afrik.

Indhacade oo mar labaad Alshabaabku sii daayeen

Indho cade oo ka mid ahaa asaasayaashii Alshabaab oo maanta ku sugnaa Huteelkii Muqdisho lagu qaxiyey ayaa ilaa hadda sii dayntiisa shaki ku jiraa. Dadka qaar ayaa leh Ciidankiisii ayaa Fakiyey, kuwa kale ayaa leh maleeshiyaadkii Farmajo ayaa badbadiyey, laakiinse dadka intiisa badan ayaa waxay leeyihiin Argagixisada ayaa sii daysay oo Maaha markii ugu horaysay, horayna sidan oo kale ayeey intay qabteen u sii daayeen

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabiley Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabiley Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qasriga Madaxtooyada maamulkaas ku qaabiley Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane James Swan iyo Madax ka socotey Hay’adaha Qaramada Midoobey sida UNHCR, WFP, FAO iyo WHO.

Kulanka Madaxweynaha oo ay ku wehelinayeen Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad mudane Maxamuud Sayid Aaden iyo qaar kamid ah Golaha Xukuumadda sida Wasaaradaha arrimaha gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Kalluumeysiga iyo Beeraha ayaa looga wada hadley Xaalada Siyaasadeed ee dalku marayo, Amniga iyo taageerada Qaramada Midoobey ay siiso Jubbaland gaar ahaan Mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan deegaanada Jubbaland.

Ugu horreyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa Ergayga Qaramada Midoobey uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Kismaayo iyo dadaalka ay saaxiibada beesha caalamku ugu jiraan sidii xal rasmi ah loogu heli lahaa caqabadaha ku gadaaman sidii doorasho nabdoon wadar ogolna ah dalka uga dhici laheyd.

“Maamulka Jubbaland wuxuu diyaar u yahay waddo kasta oo lagu wada hadli karo xal waarana looga gaari karo is fahanwaaga siyaasadeed ee kajira dalka ” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam.

Dhinaca kale Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya danjire James Swan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo qaabilaada heerkeedu sarreeyo ee ay kala kulmeen Jubbaland asaga iyo wafdigiisa ku wehelinaya booqashada ay maanta ku yimaadeen magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland.

“Waxaan bogaadinayaa markale tallaabadii wax ku oolka ahayd ee albaabka u furtey xaaladii cakirneyd ee dalku ku jirey ee ay qaadeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland taas oo ay 28dii bishan kusoo magacaabeen guddiyadii doorashada ee heer Dowlad goboleed iyo baaqoodii ahaa in ay Madaxda DFS iyo Dowlad goboleedyadu shir isugu imaadaan taas oo dhashey in Madaxweynaha JFS uu shaley shir isugu yeero Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo aan ka fileyno in ay kasoo bixi doonaan qodobo ka turjumaya sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhan yahay iyo isu tanaasul madaxda dhexdooda ah dalkana loogu turayo”. Ayuu yiri James Swan.

Dhanka kale Wasiirada Jubbaland ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatey hay’adaha qaramada midoobey ee kala ah UNHCR,WFP iyo WHO kuwaas ay ka wada hadleen Mashaariicda hormarineed ee ay deegaanada Jubbaland ka fuliyaan iyo taageerada ay siiyaan waaxaha Beeraha, Kalluumeysiga, Qoxootiga iyo Caafimaadka oo hormar badan laga sameeyey muddooyinkii ugu danbeeyey.

Gabogabadii Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa u mahadceliyey Hay’adaha sidoo kalena ku dhiiri galiyay wasaaradaha inay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyo fulinta qorshaha horumarineed ee Jubbaland.

Sayidka oo Ergayga qaramada midoobey uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Kismaayo

Saiyod ooErgayga qaramada midoobey uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Ergayga qaramada midoobey uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Kismaayo iyo dadaalka ay saaxiibada beesha caalamku ugu jiraan sidii xal rasmi ah loogu heli lahaa caqabadaha ku gadaaman sidii doorasho nabdoon wadar ogolna ah dalka uga dhici laheyd.

Dhinaca kale Ergayga Qaramada Midoobey mudane James Swan ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyey soo dhaweynta iyo qaabilaada heerkeedu sarreeyo ee ay kala kulmeen Jubbaland asaga iyo wafdigiisa ku wehelinaya booqashada ay maanta ku yimaadeen magaalada Kismaayo ee xarunta kmg ah ee Jubbaland.