26th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabiley Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qasriga Madaxtooyada maamulkaas ku qaabiley Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane James Swan iyo Madax ka socotey Hay’adaha Qaramada Midoobey sida UNHCR, WFP, FAO iyo WHO.

Kulanka Madaxweynaha oo ay ku wehelinayeen Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad mudane Maxamuud Sayid Aaden iyo qaar kamid ah Golaha Xukuumadda sida Wasaaradaha arrimaha gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Kalluumeysiga iyo Beeraha ayaa looga wada hadley Xaalada Siyaasadeed ee dalku marayo, Amniga iyo taageerada Qaramada Midoobey ay siiso Jubbaland gaar ahaan Mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan deegaanada Jubbaland.

Ugu horreyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa Ergayga Qaramada Midoobey uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Kismaayo iyo dadaalka ay saaxiibada beesha caalamku ugu jiraan sidii xal rasmi ah loogu heli lahaa caqabadaha ku gadaaman sidii doorasho nabdoon wadar ogolna ah dalka uga dhici laheyd.

“Maamulka Jubbaland wuxuu diyaar u yahay waddo kasta oo lagu wada hadli karo xal waarana looga gaari karo is fahanwaaga siyaasadeed ee kajira dalka ” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam.

Dhinaca kale Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya danjire James Swan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo qaabilaada heerkeedu sarreeyo ee ay kala kulmeen Jubbaland asaga iyo wafdigiisa ku wehelinaya booqashada ay maanta ku yimaadeen magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland.

“Waxaan bogaadinayaa markale tallaabadii wax ku oolka ahayd ee albaabka u furtey xaaladii cakirneyd ee dalku ku jirey ee ay qaadeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland taas oo ay 28dii bishan kusoo magacaabeen guddiyadii doorashada ee heer Dowlad goboleed iyo baaqoodii ahaa in ay Madaxda DFS iyo Dowlad goboleedyadu shir isugu imaadaan taas oo dhashey in Madaxweynaha JFS uu shaley shir isugu yeero Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo aan ka fileyno in ay kasoo bixi doonaan qodobo ka turjumaya sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhan yahay iyo isu tanaasul madaxda dhexdooda ah dalkana loogu turayo”. Ayuu yiri James Swan.

Dhanka kale Wasiirada Jubbaland ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatey hay’adaha qaramada midoobey ee kala ah UNHCR,WFP iyo WHO kuwaas ay ka wada hadleen Mashaariicda hormarineed ee ay deegaanada Jubbaland ka fuliyaan iyo taageerada ay siiyaan waaxaha Beeraha, Kalluumeysiga, Qoxootiga iyo Caafimaadka oo hormar badan laga sameeyey muddooyinkii ugu danbeeyey.

Gabogabadii Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa u mahadceliyey Hay’adaha sidoo kalena ku dhiiri galiyay wasaaradaha inay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyo fulinta qorshaha horumarineed ee Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*